Garoonka cusub ee diyaardaha Garoowe oo KMG ahaan loo furayo

Image
Image
Image

GAROOWE- Magaalada Garowe ayaa waxaa ka socda qaban qaabada furitaanka Garoonka diyaardaha cusub ee magaalo madaxda Puntland kasoo dhisme ku socdey muddo Sadex Sano ah.

Munaasabada furitaanka Garoonkaan ayaa la filayaa inuu goob joog ahaado Madaxweynaha Dowlada Soomaaliya Maxamad Cabdulahi Farmaajo iyadoo lagu wado iney dhacdo subaxnimada 8 January,2017.

Garoonkan ayaa sida aan ka heleyno shirkada gacanta ku haysa dhismihiisa sheegayaan in aan weli uusan dhameys aheyn iyadoo ay ka dhiman yihiin howlo la xiriira ranjiyeynta laamiga diyaaraduhu ka duulaan kana soo dagaan kasoo iminka kaaoo waqtigaan ku soo wajahan magalaada Boosaaso.

Waxaa kaloo dhiman oo weli gacanta lagu hayaa dhismaha Terminal-ka iyo qaar ka tirsan jidadka muhiim u ah isticmaalka Garoonkaan.

Dhinaca kale Madaxweynaha Puntland ayaa daneynaya in furitaanka Garoonkaan ku soo beego munaasabada 8 January oo ah markii la doortey. Munaasabadaan ayaa noqon karta tii ugu dambeysay ee Mudane Cabdiweli Maxamad Cali Gaas madaama doorashadii Madaxtinimada ee Puntland dhaceyso dhamaadka sanadkaan.

Garoonka diyaardaha Garoowe ayaa waxa lacagtii ugu horeysay ee lagu bilaabey ku deeqdey dalka Kuwait iyadoo ka gaabisay iney bixiso wajigii labaad ee mashruucaan iyadoo sababtey in dhameystirkiisa lagala kulmo dhibaato badan.

Dowlada Puntland ayaa ku biirisay dhismaha mashruucaan 3 Milyan oo dollar lacagtaas oo ka timid Maaliyada ay ka heshay heshiiska dekada Boosaaso kasoo ay dhiseyso shirkada P&O oo hoos timaada DP World.

Dhinaca kale waxaa dhameystirka dhismihiisa qayb libaax ka qaatey Madaxweynihii hore ee Puntland iyo Guddi ganacsato ah ee kasoo jeeda gobolka Nugaal kuwasoo lacago u ururshey dhismaha qaybo kamid ah garoonkaan. 

Dowlada Federalka ayaa iyadana ku darsatey lacag lagu qiyaasey 300,000 dollar kadib markii Madaxweynihii hore ee Puntland iyo guddi ganacsatada ka codsadeen iney qayb ka noqoto dhismaha jidadka loo marayo garoonkaan iyo qaybo kamid ah dhismihiisa sida goobaha dadweynahu dhiganayaan gadiidka marka ay ka duulayaan ama kasoo dagayaan halkaas.

Garoonka cusub ee diyaardaha Garoowe ayaa dadka u kuurgala arimaha duulimaadyada waxay aaminsan yihiin in uu noqon doono midka ugu mashquulka badan Puntland madaama uu ku yaala bartamaha degaanada uu ka kooban yahay maamulkaan iyo kuwo dariska la ah sida Somaliland iyo Ethiopia.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo qaadacdey shirka uu iclaamiyay Xasan Sheekh

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa 21-ka ilaa 22-ka bishan April u mudeeyay in uu qabsoomo shir madaxeedkan.

  • Puntland

    17-04-2024

  • 06:28AM

Shacabka Garowe oo loogu baaqay ilaalinta kanaalada biyuhu maraan

Howlgalka xalay ayaa laga sameeyay waddada laamiga ah ee Globol iyo waddada Sagal.

  • Puntland

    16-04-2024

  • 05:26AM