Garoonka diyaardaha magaalo madaxda Puntland oo laga guurayo

Image

Sept 15, 2015 (GO)- Waasiirka wasaarada duulista hawada iyo garoomada dowlada Puntland  Xasan Cadde ayaa maanta xariga ka jaray dayactir lagu samaynayo garoonka diyaaradaha Conoco oo 35km u jira magaalo madaxda Garowe. 

Garoonka Conoco ayaa wasiirku sheegay in KMG ahaan u istimaali doonaan dulimaad-yada kala duwan inta uu socdo dhismaha garoonka caalamiga ah ee magaalo madaxda Puntland ee Garowe, iyadoo qorshuhu yahay in bisha October ee sanadkan.

"Waxaan halkaan u nimi dayactirkii garoonka Conoco, garoonkaan waxaa uu noqon doonaa midka la isticmaalayo inta la dhisayo garoonka Garowe, asbuucaan waxaa noo yimi Injineeradii sahmin lahaa meesha qalabka dhismaha la dhigayo" ayuu yiri wasiirka duulista.

Wasiirka  Xasan Cadde  ayaa sheegay in dalka Jabuuti ay ka imaan doonaan qalabkii lagu dhisi lahaa garoonka Garowe, islamarkaana dhismaha garoonka Garowe ku guulaysatay shirkad laga leeyahay Tukriga oo la yiraahdo SMK.

"Qalabka Jabuuti ayay ka imaanayaan intiisa cuslus, todobaadkan ayaan filaynaa inay yimaadaan, marka howshu sidii ay u soo dag dagto ayaaanu u bilaabaynaa,  laakiin bisha Septembar inta aysan dhamaan ayaan rajaynaynaa shaqada qaar bilaabato" ayuu yiri Xasan Cadde.

Dhinaca kalle hay'ada Qaramaha midoobay ayaa sheegay inaysan kasoo degi karin garoonka Conoco, iyagoona ku sababeeyay amaanka goobtaasi oo aan lays ku halayn karin.

Garoonka Conoco ayaa waxaa horey u daganaa oo xaarxaarey shirkada shidaalka baarta ee Conoco taasoo fadhigeedu yahay wadanka Mareykanka.

Warar aan la xaqiijin ayaa warsidaha Garowe Online sheegaya in hay'adaha Qaramada midoobey ka codsadeen in dib loo dhigo dhismaha garoonka caalamiga ah ee Garowe inta ay dhisanayaan mid KMG ah aan ka fogeyn kan hadda la isticaamo balse xogta ayaa xuseysa ineysan ku guuleysan dalabkooda.

GAROWEONLINE

Related Articles

Booliska Puntland oo lagala hadlay ka hortaaga xaalufinta deegaanka

Isku xirnaanta Wasaaradda Degaanka iyo Isbedelka Cimilada iyo Hogaanka Booliska ayaa sidoo kale looga hadlay shirkan.

  • Puntland

    27-03-2024

  • 04:28AM

Qardho: Mashruuc horseeday jarista dhir baaxad leh oo laga digay

Wasaaradda deegaanka iyo Isbedelka Cimiladda ee Puntland ayaa ku baaqdey in degdeg loo joojiyo jarista dhirtan.

  • Puntland

    26-03-2024

  • 01:41PM