​Garowe: Dabaal-dag loo sameeyay kooxda Guulaysatay [Sawirro+Dhagayso]

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

GAROWE, Puntland- Isu soo bax ballaarana ayay galabta sameeyeen shacabka ku dhaqan magaalada Garowe kadib markii ay guulaysatay kooxda matalaysay maamulka Puntland ee ka qayb galaysay koobka maamul goboleedyada ee kasocda caasumadda Somalia.

Kooxda ayaa galabta cayaar gaartay Gool ku laad la cayaaray dhiggooda Jubbaland, waxayna uga badiyeen 5:4 sidaasina waxay ku hanteen koobkaasi.

Waqtigii loogu talo galay cayaarta iyo soddon daqiiqo oo lagu daray waxay ku idlaatay bar-baro 1:1 ah.

Tartanka oo galabta ku ekaa waxaa kasoo qayb galay madaxweynaha dowladda Federalka Somalia, Ra'isal wasaare Cumar Cabdirashiid, mas'uuliyiin katirsan golayaasha dowladda iyo shacabka ku dhaqan caasumadda waddanka Somalia kuwaasoo taageero u ahaa kooxaha dheelayay.

Natiijada Cayaarta kadib waxaa isu soo baxay shacabka magaalada iyadoo waxayna fantasiyo ballaaran ka dhigeen barxadda Garowe halkaasoo ay ku dabaal dagayeen illaa Boliisku goobta yimi.

Qaar kamid ah shacabkii ka qayb galay ayaa la hadlay Radio Garowe, waxayna sheegeen inay ku faraxsanyihiin guusha kooxdoodu gaartay iyagoo intaasi ku daray inay naadigii matalayay ku tilmaamay mid cayaar fiican soo bandhigay.

Kooxda ku cayaaraysay magaca Puntland ayaa koobka qaaday iyagoon dhinacooda dhulka la dhigin, waxayna garoonka Koonis kusoo bandhigeen cayaar qurux badan.

Waxaa xusid mudan in Laacibkii ugu fiicnaa uu noqday Cabdisalaam Dhiidhiiyo oo ahaa Kabtanka kooxda Puntland sidoo kale waxaa laacibkii ugu goolasha badnaa qaaday Yacquub Cusmaan oo Lambarka 9-aad Puntland uga cayaarayay iyo xitaa kooxdii ugu goolasha badnayd.

Madaxweynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa hambalyo u diray dhalinyarada guulaysatay wuxuuna sheegay inay heli doonaan abaalmarin uusan carrabaabin.

GAROWEONLINE

Related Articles

Shacabka Garowe oo loogu baaqay ilaalinta kanaalada biyuhu maraan

Howlgalka xalay ayaa laga sameeyay waddada laamiga ah ee Globol iyo waddada Sagal.

  • Puntland

    16-04-2024

  • 05:26AM

Puntland oo kalitalisnimo ku eedeysay madaxda federaalka

Madaxweyne Ku-Xigeenka dowladda Puntland ayaa si kulul uga hadlay hanaanka dowladnimo ee Soomaaliya,

  • Puntland

    15-04-2024

  • 11:33AM