Gudoomiyihii hore ee Mudug oo la xirey iyo dowladda oo ka hadashay

Image

Siyaasi C/laahu DhuubaneNovember 26, 2014 (GO)- Ciidamada booliska degmada Garowe ayaa xalay xabsiga u taxaabay guddoomiyihii hore ee gobolka Mudug Cabdirashiid Cali Xaashi (Dhuubane).

Xaashi ayaa shalay qabtay shiraa'id oo uu kaga hadlay xaaladda guud ee Puntland isagoo dhinaca kale dhaliilay siyaasadda Madaxweyne Cabdiweli Gaas oo sida uu tilmaamay baal maray balan qaadyadii uu sameeyey xiligii uu murashaxa ahaa.

Gudoomiyaha Gobolka Nugaal Cabdiqani Xaashi Cali oo maanta waraysi gaar ah siiyey Radio Garowe ayaa xaqiijiyey xarigga siyaasi Cabdirashiid Cali Xaashi (Dhuubane).

Weriye Axmed Cawil oo waraystey ayaa weydiiyey sababta keentay in siyaasigaas xabsiga la dhigo, wuxuuna guddoomiyuhu ku jawaabey in xarigiisu yimid kadib markii uu shaaciyey hadallo xiisad siyaasadeed iyo ammaan darro abuuri kara, halisna ku ah jiritaanka Puntland waa sida uu hadalka u dhigaye.

Halkan ka dhegeyso shirka jaraa'id ee siyaasiga la xiray uu shalay qabtey:

GAROWE ONLINE

Related Articles

Madaxweyne Deni oo Caddeeyay Mowqifka Puntland ee ku Aaddan Xaaladda Dalka iyo Arrinta Midnimada

Madaxweyne Deni ayaa sheegay in sababta Puntland loo aasaasay ay ahayd in ay jirto…

  • Puntland

    12-01-2026

  • 05:46AM

Gaalkacyo: Dowladnimo, Amni iyo Horumar ku Jira Imtixaan Adag

Su’aasha isweydiinta mudan ayaa ah: maxaa Gaalkacyo ka dhigaya mid u nugul qabsashada…

  • Puntland

    09-01-2026

  • 03:43PM