Garowe: kulanka la xisaabtanka xukuumadda Gaas oo furmay

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

December 27, 2014 (GO)- Xarunta wasaarada caafimaadka Puntland ee magaalada Garowe waxaa maanta ka furmay kulanka la xisaabtanka xukuumada oo muddo labo maalmood ah socon doona.

Xubnaha golaha wasirada ayaa mid mid usoo bandhigay waxqabadkooda sanadkan sii dhamaanaya ee 2014 iyo weliba qorshaha u deggen sanadka soo socda ee 2015.

Kulanka waxaa daah furay Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas. Khudbad uu furitaanka shirka ka jeediyey wuxuu ku sheegay in ay lagama maarmaan tahay bulshada in loosoo bandhigo waxqabadka dowalada isagoo intaas raaciyey in isla xisaabtanku noqon doono mid joogto ah.

Wasaarado dhowr ah ayaa maanta soo gudbiyey waxqabadkooda iy caqabadihii soo wajahay mudadii sanadka ahayd ee ay soo shaqeynayeen, waxaana kamid ahaa: Wasaarada waxbarashada, wasaarada amniga, wasaarada haweenka iyo wasaarada cadaalada iyo arimaha diinta.

Wasiirka cadaalada iyo Airimaha diinta ayaa waqabadkiisa ku darsaday maxaabiis kuwo Al-shabaab ahi ku jireen oo xabsiga Garoowe laga sii daayey arintaasoo qaar kamid ah dadkii kulanka kasoo qayb galay su'aalo ka weydiiyeen.

Sii deynta maxaabiista Al-shabaab ayaa saameyn weyn ku yeelan karta ammaanka dalka iyadoo horseedi karta iyo hadda kadib Al-shabaab dadka madax furasho ahaan u qafaalato kadibna ku gorgortanto in xubnaha ka xiran loo soo daayo.

Kulanka la xisaabtanka xukuumada ayaa soo xirmi doona maalinta berri ah waxaana la filayaa in gaba gabadiisa laga soo saaro war-murtiyeed lagu soo koobayo waxqabadka xukuumadda Gaas mudadii sanadka ahayd ee ay jirtey.

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Booliska iyo Shacabka Puntland oo dood adag ay dhexmartey

Kulanka ayaa ahaa mid is-xog-waraysi ah laguna xoojinayey wadashaqaynta iyo iskaashiga Amniga ee bulshada iyo booliska Puntland.

  • Puntland

    26-04-2024

  • 08:19AM

Shirweynaha 5-aad ee Golaha Guud ee Ururka Warbaahinta Puntland oo ka furmay Garowe

Madaxwayne ku xigeenka Puntland Ilyaas Cusmaan Lugotoor ayaa daahfuray Shirweynaha oo ay ka qeybgalayaan dhinacyo kala duwan.

  • Puntland

    21-04-2024

  • 11:46AM