​GAROWE: Madaxweyne Gaas oo ka qayb galay qalin-jabinta 294 bare

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

GAROWE, Puntland- Madaxweynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas, ayaa galinkii dambe maanta ka qayb galay munaasabad ay ku qalin-jabinayeen 294 oo muddo wax kabaranayay kuliyadda tababarka macalimiinta ee GTEC.

Munaasabadda ayaa waxaa kasoo qayb galay Wasiirka Wax-barashada Puntland, Wasiir ku-xigeenka waxbarashada, xildhibaano, hormuudka kulliyadda GTEC, Abwaano iyo Qoraayo Soomaaliyeed, hay’adda cilmi baarista SIDRA, macallimiinta wax ka dhiga kulliyadda GTEC, waalidiin, macallimiintii ka qalin jebiyey kulliyadda iyo marti sharaf tiro badan.

 Hormuudka Jaamacadda GTEC Cabdiraxmaan Sheekh Cali, ayaa hambalyo u diray dhammaan ardayda guulaysatay isagoo kula dar-daarmay inay u shaqeeyaan dalka iyo dadkaba.

Madaxweynaha Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas, ayaa xusay in macallinnimadu ay tahay shaqada ugu wanaagsan ee uu qof banii’aadam ahi ka shaqeeyo isla markaana waxaa uu tilmaamay in loo baahan yahay in lasii dar-dargeliyo dedaalka loogu jiro sidii loo soo saari lahaa macallimiin tayo leh oo ka hawl gala Puntland, si ay bulshada reer Puntland uga haqab beesho baahida macallimiinta ee ka jirta.

Madaxweynaha dawladda Puntland ayaa ayaa ballan qaaday in macallimiintaan ka qalin jebiyey kulliyadda Tababarka ee GTEC lagu dari doono sannadka soo socda Miisaaniyadda dawladda isla markaana ay si toos ah mushaharkooda u bixin doonto dawladda Puntland.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale kulliyadda u ballan qaaday in ay dawladdu u dhisi doonto hool weyn oo ay ku qabsadaan shirarka iyo xafladaha qalin jebinta, kaas oo ah mid waqtigaan ay kulliyaddu baahi weyn u qabto.

Macallimiinta qalin-jabisay ayaa isugu jiray kuwo qaabilsan dugsiyaada sare iyo kuwa hoose dhexe ee Puntland.

Qalinjabinta macallimiinta ayaa kusoo beegmaysay xilli deegaanada Puntland ka howlgalaan macallimiin kala duwan, kuwaasoo intooda badan wax ka dhiga dugsiyada gaarka loo leeyahay ee ku yaalla deegaanada Puntland.

GAROWEONLINE

Related Articles

Puntland oo kalitalisnimo ku eedeysay madaxda federaalka

Madaxweyne Ku-Xigeenka dowladda Puntland ayaa si kulul uga hadlay hanaanka dowladnimo ee Soomaaliya,

  • Puntland

    15-04-2024

  • 11:33AM

Ciidamada Badda Puntland oo “ka hortagay” qorsheyaal abaabulan

Ciidanka ayaa si adag u dardargeliyey sugidda Amniga xeebaha Badweynta Hindiya ee Puntland.

  • Puntland

    15-04-2024

  • 05:29AM