Garowe: qaar kamid ah shaqaalaha rayidka PL oo dibadbax dhigay

Image
Image
Image

December 24, 2014 (GO)- Qaar kamid ah shaqaalaha rayidka ah ee Puntland ayaa maanta magaalada Garowe ka dhigay diba-bax ay kaga cabanayaan mushahar la'aan iyo imitixaan dowladu sheegtay in laga qaadi doono shaqaalaha dowladda.

Dibadbaxayaasha oo watey boorar ereyo dareenkooda ka cabirayaa ku qoran yihiin ayaa isugu soo ururay fagaaraha Barxadda, halkaasoo markii dambe ay warbaahinta kula hadleen.

Agaasimaha waaxda maamulka ee Wasaarada Qorsheynta Caduur Aadan Caduur oo ku hadlayey afka shaqaalaha ayaa sheegay in dowladu wado qorshe la doonayo in shaqada looga fariisiyo qaar kamid ah shaqaalaha dowladda oo muddo dheer soo shaqeynayey iyadoo marmarsiinyo laga dhiganayo imtixaan lagu hubinayo tayada iyo aqoonta shaqaalaha, waa sida uu hadalka u dhigaye.

Caduur ayaa dhanka kale sheegay in shaqaalaha dowladu dulman yihiin islamarkaana xuquuqdooda la siin isagoo ugu baaqay Madaxweyne Gaas inuu il gaar ah ku fiiriyo cabashada shaqaalaha.

Dibadbaxan oo ah kii ugu horreeyey ee noociisa ah wuxuu kusoo aadayaa xilli in badan oo kamid ah shaqaalaha dowladu muddo bilo ah wax mashaharaad ah qaadan.

Shaqaalaha hay'adaha garsoorka ayaa maalintii sideedaad shaqo joojin ku jira waxayna sheegeen inaysan shaqada soo geli doonin ilaa iyo inta xuquuqda ka maqan laga siinayo.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Shirweynaha 5-aad ee Golaha Guud ee Ururka Warbaahinta Puntland oo ka furmay Garowe

Madaxwayne ku xigeenka Puntland Ilyaas Cusmaan Lugotoor ayaa daahfuray Shirweynaha oo ay ka qeybgalayaan dhinacyo kala duwan.

  • Puntland

    21-04-2024

  • 11:46AM

Dowladda Puntland oo dardargelisay la macaamilka Beesha Caalamka

Kulanka ayaa looga hadlay mashaariicda horumarin iyo Kuwa bani’aadantinimo ee ay Puntland ka taageeraan iyo Sidii loo xoojin lah wadashaqeynta.

  • Puntland

    18-04-2024

  • 12:52PM