GAROWE: Xaflad loo qabtay xuska 1 Augusto [Dhagayso+Sawirro]

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

GAROWE, Puntland- Waxaa caawa xarunta madaxtooyada Puntland ee magaalada Garowe lagu qabtay munaasabad loogu dabaal dagayay 18 sano guuradii kasoo wareegtay Aas-aaskii Puntland taasoo ku beegan 1998 maanta oo kale.

Xafladda ayaa waxaa kasoo qayb galay Madaxweynaha dowladda Puntland, ku-xigeenkiisa, xubno kasocda golayaasha dowladda, mas'uuliyiin matalayay dowaldda Federalka, isimo, saraakiil ciidan iyo bulshada qaybaheeda kala duwan.

Waxaa sidoo kale munaasabadda lagu lifaaqay soo dhaweyn loo samaynayay kooxdii ku guulaysatay koobkii maamul goboleedyada ee bishii hore lagusoo gaba-gabeeyay caasumadda dalka Somalia, kuwaaso madaxweyne Gaas guddoonsiiyay shakhsi kasta qadar lacageed oo dhan $1000 iyo abaalmarinno kale.

Ugu horrayn goobta oo si weyn loosoo camiray, waxaa heeso iyo riwaayado kala duwan bulshada ku madadaaliyay kooxaha Waabari Puntland, Mahuraan Band iyo fanaaniinta kala ah Farxaan Xidig, Maxamud Amore iyo Nasteexo Indho.

Damaashaad kadib waxaa dadweynaha la hadlay mas'uuliyiinta dowladda, isimo iyo xubno kale kuwaasoo ku dheeraaday muhiimadda ay leedahay isku duubnida iyo  ka shaqaynta amniga.

Islaam Ciise Islaam Maxamed iyo xubno kale oo ay ku jiraan qaar kamid ah aas-aasayaashii Puntland ayaa madasha ka sheegay in muqadas tahay sidii meel looga wada istaagi lahaa waxyaabaha dhaawacaya midnimada iyagoo shacabka iyo xukuumadda ugu baaqay inay ilaaliyaan halgankii dhibka adag laga soo maray.

Madaxweynaha dowladda Puntland ayaa dhankiisa ka hadlay khudbad kooban taasoo kusoo hadal qaaday guulaha xukuumaddiisa, amniga iyo xaaladda Somalia oo uusan si faah faahsan uga hadlin.

  • Aas-aaska Puntland

Khudbada madaxweyne Gaas wuxuu ku sheegay in muddo dheer ku dadaalayeen sidii loo heli lahaa dowlad matasha umadda Somaliyeed islamarkaana ka shaqaysa midnimo iyo wadajir taasoo u istaagta cadaalad taasoo uu tilmaamay inay ahayd ujeedkii loo yagleelay Puntland.

Wuxuu xusay in dalka Somalia soo kabasho ku jiro islamarkaana rajaynayaan in dalku ka baxo dhibka uu ku jiro.

  • Amniga Puntland

Madaxweynaha Puntland ayaa sheegay in dalka ka jirto nabad buuxda taasoo uu ku baaqay in loo istaago sidii loo adkayn lahaa islamarkaana looga xafidi lahaa wuxuu ugu yeeray; Al Shabaab, Jirri, Kiraalayaal, Maamullo u hanqal taagaya dhul iyo dad aysan lahayn.

  • Arrimaha Dhaqaalaha

Cabdiwali Maxamed Cali Madaxweynaha Puntland ayaa sheegay in hormar weyn laga sameeyay dhinaca dhaqaalaha isagoo ku baaqay in la dhiso kaabayaasha dhaqaalaha, balse ma xusin doorka iyo waxqabadka xukuumaddiisa ee ku aadan arrintaasi.

  • Arrimaha bulshada

Madaxweyne Gaas, wuxuu sheegay inay dowladdiisu muhiimadda siisay sidii loo heli lahaa adeegyada asaasiga ee bulshadu u baahantahay inkastoo uusan si faah faahsan uga warbixin.

  • Dimuqraadiyadda Puntland

Madaxweynaha ayaa mar uu ka hadlayay nidaamka dimuqradiyaynta ayuu sheegay inay wadaan qorshayaal looga guurayo nidaamka qabaliga, wuxuuna sheegay in sannadka gudahiisa laguda gali doono doorashada dowladaha hoose, halka tan guud uu xusay inay qabsoomi doonto 2019.

  • Doorashada Somalia

Madaxweyne Gaas ayaa sheegay in dalka Somalia u baahanyahay isbadal damaanad qaada in laga baxo dhibaatada lagu jiro isagoo sheegay in loo baahanyahay dad matali kara umadda Somaliyeed oo xaladdan adag ku jihayn kara meel wanaagsan.

  • Hambalyo

Madaxweyne Cabdiwali Maxamed Cali ayaa ugu dambayn hambalyo u diray dhammaan umadda Reer Puntland isagoo u rajeeyay inay ku waaraan amni kala dambayn iyo hormar.

GAROWEONLINE

Related Articles

Shirweynaha 5-aad ee Golaha Guud ee Ururka Warbaahinta Puntland oo ka furmay Garowe

Madaxwayne ku xigeenka Puntland Ilyaas Cusmaan Lugotoor ayaa daahfuray Shirweynaha oo ay ka qeybgalayaan dhinacyo kala duwan.

  • Puntland

    21-04-2024

  • 11:46AM

Dowladda Puntland oo dardargelisay la macaamilka Beesha Caalamka

Kulanka ayaa looga hadlay mashaariicda horumarin iyo Kuwa bani’aadantinimo ee ay Puntland ka taageeraan iyo Sidii loo xoojin lah wadashaqeynta.

  • Puntland

    18-04-2024

  • 12:52PM