Garsooreyaashii maxkamadaha iyo xeer-ilaalintii Mudug oo la rukhseeyey

Image

GAALKACYO, Puntland – Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni ayaa wuxuu kala diray gebi ahaanba gorsooreyaashii ka howlgelayey maxkamadaha gobolka Mudug ee dowladda Puntland.

Gorsooreyaasha shaqada laga eryay ayaa waxay ka howlgalayeen Maxkamadaha Darajada Koowaad iyo tan Racfaanka ee gobolkaasi.

Sidoo kale, mudane Deni ayaa wuxuu si lamid ah rukhseeyay Xeer-ilaalinta Gobolka Mudug, sidda lagu shaaciyey wareegto madaxtooyada kasoo baxday.

Maxamed Maxamuud Jaamac ayaa si ku meel gaar ah loogu magacaabey Gudoomiyaha maxkamada darajada koowaad ee magaaladda Gaalkacyo.

Jaamac ayaa wuxuu garsoore ka ahaa maxkamada darajada degmada Xarfo ee hoos-timaada gobolka Mudug.

Talaabadaan ayaa qayb ka ah go’aano kasoo baxay shir maanta magaala madaxda gobolka Mudug ku dhex-maray madaxweynaha Puntland, wafdiga ku wehliyey socdaalkiisa iyo mas'uuliyiinta heer gobol.

Go’aanada kale ee kulanka kasoo baxay oo daarnaa wax ka qabashada tabashooyin ka jira dhanka amniga, maamulka iyo cadaalada ayaa loo saarey Guddi, kaasi oo dib u habeynta ka shaqeyn doona.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Shirweynaha 5-aad ee Golaha Guud ee Ururka Warbaahinta Puntland oo ka furmay Garowe

Madaxwayne ku xigeenka Puntland Ilyaas Cusmaan Lugotoor ayaa daahfuray Shirweynaha oo ay ka qeybgalayaan dhinacyo kala duwan.

  • Puntland

    21-04-2024

  • 11:46AM

Dowladda Puntland oo dardargelisay la macaamilka Beesha Caalamka

Kulanka ayaa looga hadlay mashaariicda horumarin iyo Kuwa bani’aadantinimo ee ay Puntland ka taageeraan iyo Sidii loo xoojin lah wadashaqeynta.

  • Puntland

    18-04-2024

  • 12:52PM