Guddiga Difaaca Puntland oo ka hadlay xiisadda ka taagan gobolka Sool

Image

GAROOWE, Puntland- Guddiga Difaaca Puntland oo maanta shir saxaafadeed ku qabanayay magaalada Garoowe, ayaa faah faahin ka bixiyay xiisadda colaadeed ee ka taagan gobolka Sool, waxayna sheegeen inay sugi doonaan amniga dhammaan xuduudaha Puntland.

Wasiirrada Wasaaradaha Amniga, Warfaafinta, Arrimaha Gudaha iyo Afhayeenka xukuumadda ahna wasiir dowlaha Madaxtooyada oo wariyaasha la hadlayay ayaa sheegay in dagaalka Tukaraq uu sii socon doono inta laga xoraynayo gobollada ka maqan maamulkan.

Waxay sheegeen in waxa ka soconaya degmada Laas-caano aan loo dul qaadan doonin iyagoo fariin u diray shacabka Puntland oo ay ka codsadeen inay garab istaagaan ciidamada difaaca si dhibka looga kor qaado shacabka gobolka Sool.

"Dowladda Puntland iyo mowqifkeeda waxaan ugu baaqayna umadda reer Puntland in howgalka xoraynta iyo sugidda amniga dalka uu socon doono ilaa laga xaqiijiyo amniga dalka dhammaantii xuduudaha Dastuuriga ahna lasoo xeragaliyo lana sugo amnigooda," sidaas waxaa yiri wasiirka Wasaaradda Amniga Puntland Axmed Cabdullaahi Yuusuf Dowlada.

Wasiir dowlad wuxuu sheegay in dagaalku sii socon doono inta laga gaarayo xuduuda Puntland isagoo yiri, "Waxaan u sheegaynaa maamulka Hargaysa in dagaalka ay soo qaadeen uu sii socon doono inta aan ka gaarayno xuduudeena."

"Xamar iyo Federaal baa isoo weeraray waxa soconaya maaha waa lagu jeeda, cidaad soo weerartayna waa Puntland, Federaalku Xamar bay joogaan mana soo weerarin cidna, marka waxaa la rabaa in dadka caqliga u saaxiibka ah ay Muuse Biixi ka dhaadhiciyaan wuxuu akhrinayo inaysan ahayn wax soconaya aduunkuna ku qoslaayo," sidaas waxaa mar kale sheegay wasiirka Amniga Puntland.

Wasiirka Wasaaradda Amniga Puntland oo sii hadlayay wuxuu ku eedeeyay Madaxweynaha Somaliland inuu gobolkan fidno ka dhaliyay islamarkaana uu doonayo inuu daadiyo dhiig Soomaaliyeed oo uu waddanka ku celiyo dagaalladii sokeeye ee dhacay 1991-kii.

"Shacabka reer Sool ee la dhibaataynayo waa la xoraynayaa, Muuse hadii uu soo waraystay Koofil anaguna waxaan soo waraysanay Sayidkii Laas-caano ayaan isugu imaanaynaa," sidaas waxaa yiri wasiir dowlaha Madaxtooyada ahna Afhayeenka Xukuumadda Puntland Cabdullaahi Maxamed Jaamac Quraan-jecel.

Maaha markii ugu horaysay ee guddiga Difaaca Puntland ka hadlaan arrinta magaalada Tukaraq, balse war-saxaafadeedkooda ayaa kusoo beegmay xilli xiisadda ka taagan gobolka Sool uu sare u kacay iyadoo labada maamul ay galeen Labo dagaal hadana ay socdaal dhaq-dhaqaaqyo ciidan.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Shirweynaha 5-aad ee Golaha Guud ee Ururka Warbaahinta Puntland oo ka furmay Garowe

Madaxwayne ku xigeenka Puntland Ilyaas Cusmaan Lugotoor ayaa daahfuray Shirweynaha oo ay ka qeybgalayaan dhinacyo kala duwan.

  • Puntland

    21-04-2024

  • 11:46AM

Dowladda Puntland oo dardargelisay la macaamilka Beesha Caalamka

Kulanka ayaa looga hadlay mashaariicda horumarin iyo Kuwa bani’aadantinimo ee ay Puntland ka taageeraan iyo Sidii loo xoojin lah wadashaqeynta.

  • Puntland

    18-04-2024

  • 12:52PM