Guddiga Xirfadlayaasha Caafimaadka ee dowlada Puntland oo la daah-furay

Image
Image
Image
Image
Image
Image

BOOSAASO, Puntland - Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa ka qayb galay xafladda Daah-furka guddiga Xirfadlayaasha Caafimaadka Puntland.

Madaxweyne Ku-xigeenka ayaa waxaa ku wehelinaayey xafladdaasi masuuliyiin ka tirsan Goleyaasha Dowladda, Guddiga Xirfadlayaasha Caafimaadka Puntland, Dhakhaatiir, aqoonyahano iyo masuuliyiin kale.

Guddiga Xirfadlayaasha Caafimaadka Puntland waa Guddi dowli ah oo ka shaqayndoona Hubinta, Ruqsad-siinta, Diwaangelinta, Kormeerka, Dhawrista iyo ilaalinta xirfadda Caafimaadka Dhulka Dowladda Puntland, waxaana uu Gudigu hoostegeyaa Wasaaradda Caafimaadka Dowladda Puntland.

Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland Mudane Axmed Karaash ayaa bogaadiyey oo dhiirigeliyey cid kasta oo kasoo shaqaysay Agaasinka xafladda iyo dhismaha Golaha Caafimaadka oo uu xusay in uu yahay Guddi muhiim ah oo wax badan Dowladda ka saacididoona.

Ugu dambayn, Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa xaqiijiyey in Dowladdu garab muuqda siindoonto, lana shaqayndoonto Guddiga Xirfadlayaasha Caafimaadka Puntland, si ay ugu fududaato shaqada muhiim ka ah ee ay u idman yihiin.

Madaxtooyadda Puntland

Related Articles

Shirweynaha 5-aad ee Golaha Guud ee Ururka Warbaahinta Puntland oo ka furmay Garowe

Madaxwayne ku xigeenka Puntland Ilyaas Cusmaan Lugotoor ayaa daahfuray Shirweynaha oo ay ka qeybgalayaan dhinacyo kala duwan.

  • Puntland

    21-04-2024

  • 11:46AM

Dowladda Puntland oo dardargelisay la macaamilka Beesha Caalamka

Kulanka ayaa looga hadlay mashaariicda horumarin iyo Kuwa bani’aadantinimo ee ay Puntland ka taageeraan iyo Sidii loo xoojin lah wadashaqeynta.

  • Puntland

    18-04-2024

  • 12:52PM