​Guddoomiye loo magacaabay hay'adda Waddooyinka Puntland

Image

BOOSAASO, Puntland- Madaxweynaha Dowladda Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas, ayaa Lix bilood kadib Guddoomiye u magacaabay hay'adda Waddooyinka Puntland ee PHA.

Wareegto kasoo baxday xafiiska Madaxweyne Gaas ayaa lagusoo magacaabay Eng Cabdirisaaq Yusuuf Cilmi oo horay Puntland uga soo noqday Wasiiru-dowlaha Wasaaradda howlaha guud.

Magacaabistan oo kusoo beegantay xilli shaqada hay'adda uu si KMG ah u hayay Ku-xigeenka Agaasimihii hore Maxamud Cabdinuur kaasoo shaqadiisa ku waayay kadib markii Warbaahinta qaarkeed bannaanka soo dhigtay musuq-maasuq baahsan oo lagu sameeyay tartankii loo galay mashruuca dhismaha Wadada isku xirta Garoowe iyo Gaalkacyo.

Lama oga waxa uu shaqada hay'addan ka badali doono Eng Cabdirisaaq xilli PHA aysan waxba ka qaban bur-bur baahsan oo soo wajahay laamiga dheer ee isku xira Deegaanada Puntland iyo guud ahaan Soomaaliya.

Waa wareegtadii 2aad oo maanta soo saaro Madaxweyne Gaas xilli la filayo inuu Bari u dhoofo magaalada Kismaayo halkaasoo uga qayb galayo shirka Maamullada dalka iyo DFS ee looga arrinsanayo khilaafka siyaasadeed ee waddanka soo wajahay.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda Puntland oo dardargelisay la macaamilka Beesha Caalamka

Kulanka ayaa looga hadlay mashaariicda horumarin iyo Kuwa bani’aadantinimo ee ay Puntland ka taageeraan iyo Sidii loo xoojin lah wadashaqeynta.

  • Puntland

    18-04-2024

  • 12:52PM

Puntland oo qaadacdey shirka uu iclaamiyay Xasan Sheekh

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa 21-ka ilaa 22-ka bishan April u mudeeyay in uu qabsoomo shir madaxeedkan.

  • Puntland

    17-04-2024

  • 06:28AM