Gudoonka Gollaha Wakiiladda Puntland oo Guddi magacaabey [DAAWO]

Image

GAROWE, Puntland - Gudoomiyaha Baarlamanka Puntland, Cabdixakiin Maxamed Axmed [Dhoobo], ayaa magacaabay Guddiga soo xulista iyo doorashada Guddiyada joogtada ah ee Aqalka.

Guddi ka kooban saddex xubnood, ayaa ah Xildhibaano laga soo xulay Gollaha Wakiiladda Puntland.

Magacyadda Xubnaha Guddiga:

Xubnaha Guddiga ayaa kala ah

Xildhibaan Cabdiraxmaan Diiriye Carab

Xildhibaan Muuse Xasan

Xildhibaan Cali Axmed Saalax [Cali Dhahar]

Mudane walba oo ka tirsan Gollaha ayaa xaq u leh inuu isku soo taago kamid noqoshada Guddiyada joogtada ah, iyaga oo musharaxnimadooda iyo sooyaalkooda usoo gudbinaya xoghaynta Gollaha.

Dhoobo oo sii hadlaya ayaa daboolka ka qaaday inay ku dadaalayaan in doorashada ay ku qabsoonto sida ugu dhaqsiyaha badan si ay uguda galaan howlaha kale ee horyaala Gollaha.

Baarlamaanka cusub Puntland oo ka kooban 66-xubnood oo badankooda ah kuwa cusub ayaa isbedal taariikhi ah sameeyay markii ay 8-dii bishaan udoorteen Madaxwayne, mudane Saciid Cabdullaahi Deni.

HALKAN KA DAAWO MUUQAALKA:

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Beenisay Warbixin ay Qortay Middle East Eye

Warbixintaas oo cinwaan looga dhigay “Inside the UAE’s secret operation at Somalia-Sudan Bosaso” ayaa ku dooday…

  • Puntland

    07-11-2025

  • 11:07AM

Puntland oo Beenisay Eedeynta Wasiirka Difaaca Soomaaliya Axmed Maclin Fiqi

Fiqi ayaa sidoo kale ka hadlay eedeymo sheegaya in dagaalyahanno ajnabi ah loo dhoofinayay dagaallo ka socda dalal kale.

  • Puntland

    06-11-2025

  • 04:58PM