Gudoomiye ku xigeenka 1aad ee Baarlamaanka PL oo la doortay

Image

GAROWE, Puntland - Doorashada ku xigeenka koowaad ee Afhayeenka Gollaha Wakiilada baarlamaanka dowladda Puntland ayaa maanta ka qabsoontay magaalada Garowe, ee xarunta gobolka Nugaal.

Xilkaan ayaa waxaa isku soo taagtay inay qabato illaa iyo Lix musharax, kuwaasi oo kala ahaa:-

1. Gen Abdi Aziiz Saed Mohamud

2. Abukaate Abdi Aziiz Abdullahi Osmaan

3. Abdullahi Yusuf Qaylo

4. Abdi Hamid Abdi Salaan Isse

5. Abdi Rahmaan Hassan Saed

6. Jama Yasiin Jama

Wareegga koowaad ee cod-bixinta waxaa kusoo baxay Jenaraal Cabdicasiis, Abukaate, Cabdicasiis iyo Cabdi Xamiid, markii ay heleen codadka ugu badan, xili ay iska hareen tartamayaasha.

Musharaxiinta helay codadka ugu badan wareega 1aad ayaa kala ahaa; Abukaate Abdi Aziiz, 28 cod, Gen Abdi Aziiz Saciid, 12 cod iyo Cabdixamiid oo isna ay ucodeeyeen 11 Xildhibaan.

Wareega labaad ayaa waxaa kusoo baxay Abukaate Cabdicasiis Cabdullaahi Cusmaan, kaasi oo helay 38 cod, kadib markii uu tanaasulay Musharaxii kusoo dhowaa oo ahaa Cabdixamiid oo uruur-saday 14 cod.

Musharaxa saddexaad oo ahaa Jenaral Cabdicasiis ayaa isna waxa uu helay 13 cod, taasi oo ka dhignaan lahayd in hadii uusan tanaasulayn Cabdixamiid inuu ku hari lahaa wareegga labaad.

Doorashadaan ayaa horudhac u ah midda Madaxwaynaha dowladda Puntland oo lagu wado inay qabsoonto 8-da bishaan Janaayo 2019, taasi oo ay ku baratamayaan in ka badan 30 Musharax.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Shirweynaha 5-aad ee Golaha Guud ee Ururka Warbaahinta Puntland oo ka furmay Garowe

Madaxwayne ku xigeenka Puntland Ilyaas Cusmaan Lugotoor ayaa daahfuray Shirweynaha oo ay ka qeybgalayaan dhinacyo kala duwan.

  • Puntland

    21-04-2024

  • 11:46AM

Dowladda Puntland oo dardargelisay la macaamilka Beesha Caalamka

Kulanka ayaa looga hadlay mashaariicda horumarin iyo Kuwa bani’aadantinimo ee ay Puntland ka taageeraan iyo Sidii loo xoojin lah wadashaqeynta.

  • Puntland

    18-04-2024

  • 12:52PM