Soo dhaweynta madaxda maamulada iyo DF oo ka socota Garowe

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

GAROWE, Puntland - Waxaa magaalada Garowe ka socda soo dhoweynta wafdiyada ay kala hogaaminayaan madaxda maamulada Soomaalida iyo Dowlada Federaalka.

Wafdiyadaan ayaa waxaa soo dhoweynaya Madaxweynaha Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni, xubnaha golihiisa xukuumada iyo saraakiil ka tirsan xafiiskiisa.

Qaabilaada madaxda imaaneysa ayaa ka duwan kuwii hore markii Dowlada Puntland uu ka soo baxey go’aan ah in uusan jirin isa soo bixid dadweyne oo lagu soo dhaweyn ah.

Madaxda dowladda ayaa kaliya qaabili doonan wafuuda, sida ka muuqatay soo dhaweyntii hogaamiyaha Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Lafta Gareen iyo madaxweynaha Jubbaland, Axmed Madoobe.

Sidda uu xogta ku helayo warsidaha Garowe Online, sababta loo baajiyey isu soo baxa dadweynaha ayaa salka ku haysa saddex arrimood oo waawayn.

Kuwaas oo kala ah; abaaraha dalka ka jira, cad-cadeeda oo kulul iyo siyaasada Deni oo ah in aan isu soo bax joogta ah loo sameyn madaxda maadaama ay dhib ku tahay shacabka.

Madax kale oo ka tirsan dowlada federaalka ah ayaa la filayaa in ay saacadaha soo aadan ay ka degaan magaalada Garowe, kuwaasi oo ka qaybgalaya shir berri halkaasi ka furmaya.

Shirka oo socon doona maalmo qorshuhuna yahay in lasoo xiro kahor bisha barakeysan ee Ramadaan ayaa ah wadatashi lagu falanqeyn doono xaalada siyaasadeed ee dalka.

MUUQAALKA SOO DHAWEYNTA LAFTA GAREEN

GAROWE ONLINE

Related Articles

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM

Puntland oo Qabanaysa Shir Ku saabsan Dhismaha Dawladnimada Soomaaliya

Madaxweyne Deni ayaa intaa ku daray, “Siyaasiyiintu mararka qaar waxay leeyihiin danahooda gaarka ah.

  • Puntland

    11-12-2025

  • 09:39AM