Halista Ebola iyo Wasaaradda Caafimaadka PL oo weli aan ka hadlin

Image

Hordhac:

Jimce, October 17, 2014 [GO]- Maalinba maalinta ka dambeysa waxaa sii kordheysa khatarta cudurka Ebola ku hayo caalamka, dalka Soomaaliyana wuxuu kamid yahay wadamada Afrika ee halista ugu jira in cudurkaasi ka dillaaco maadaama uu xiriir toos ah la leeyahay dalalka dhaca galbeedka Afrika gaar ahaan Sierra Leone.

Sierra Leone oo ah dalka labaad ee tirada ugu badan ee dadka ah cudurkaasi ku diley [1183 qof] waxaa Soomaaliya ka jooga 850 askari oo qayb ka ah hawlgalka nabad-ilaalinta ee AMISOM, waxaana xusid mudan in maalmo kahor askari ka tirsan ciidamo dalkaas ka socda oo Soomaaliya la keeni lahaa cudurka laga helay.

Dowladda Federaalku arintaas way beenisay, laakiin waa halis aan layska indho tiri karin, waa bam qarxi kara xilli kasta waana aafo badi dadka Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa reer Puntland si aad ah ugu baraarugsaneyn.


Wasaaradda caafimaadka PL maxay uga hadli weydey khatarta Ebola?

Wasaaradda Caafimaadka Puntland weli kama hadlin halista cudurka Ebola iyo suuragalnimada inuu Puntland soo gaaro. Waxaa looga fadhiyey inay si joogto ah bulshada ugu wacyi geliso halista cudurka Ebola, tilmaamaha lagu garto, qaabka la isaga ilaalin karo iyo arrimo kale, waxayse u muuqataa in ilaa iyo hadda Wasaaraddu arintaas si fiican ugu baraarugsaneyn.

Sida aynu lawada socono xuduudaha dhuleed, badda iyo cirka  Puntland waa furan yihiin, waxaana maalin kasta magaalooyinka waaweyn soo gaara tobannaan qof oo ajnebi iyo Soomaali isugu jira, dadkaas qaar badan oo kamid ahi waxay ka yimaadaan wadamada Afrika ee ku yaal bariga iyo bartamaha qaaradda, waxaana suurogal ah inay ku jiraan qaar kahor intii aanay Puntland iman booqday dalalka galbeedka Afrika ee cudurkaasi aadka ugu faafay islamarkaana sida Fayruska Ebola.

Akhristayaasha Garowe Online qaarkood waxaa laga yaabaa markay qormadan arkaan inay la yaabaan maskaxdoodana kusoo dhacdo su'aasha ah "sidee cudurka Ebola Puntland kusoo gaari karaa?" Su'aashaas jawaabteedu waa fududahay sababtoo ah;

Thomas Eric Duncan waa qofkii ugu horreeyey ee dalka Maraykanka gudihiisa isagoo jooga laga helay fayruska keena cudurka Ebola, ninkaasi wuxuu ka tegey caasimadda Liberia isagoo gaarey magaalada Dallas oo masaafo 9265.38 km (marka dhanka hawada laga cabiro)  u jirta Monrovia. 

Hadaba su'aasha isweydiinta mudan ayaa ah miyeysan suurogal ahayn in Ebola si fudud kusoo gaaro magaalo madaxda Puntland ee Garoowe oo caasimada Liberia u jirta masaafo tan kor ku xusan aad uga yar oo ah 6543.61km?

Maxaa la gudboon Wasaaradda Caafimaadka?

  • Wasaaradda Caafimaadka Puntland waxaa la gudboon arintaas inay il gaar ah ku eegto aadna loola socdo dhaq-dhaqaaqa dadka imaanaya Puntland, maadaama hadii cudurka Ebola soo gaaro Puntland -Ilaah ma keenee- sida lagu xakameeyaa adkaan doonto.
  • Wasaaraddu waa inay sida ugu dhaqsaha badan u bilowdaa olole ballaaran oo bulshada lagu wacyi gelinayo si bulshada loogu baraarujiyo halista Ebola loogana feejignaado khatar kasta oo dhankiisa ka iman karta.
  • Wasaaraddu waa inay kooxo caafimaad oo baara dadka imaanaya Puntland geysaa garoomada, kantaroollada magaalooyinka laga galo iyo xuduudaha si looga gaashaanto in bukaano Fayruska Ebola xambaarsani si fudud Puntland ugu soo galaan.

Faruska Sababa Cudurka Ebola

Waa maxay Ebola:

Ebola waa cudur si fudud ku faafa layskuna qaadsiiyo dheecaanka qof ama xayawaan xambaarsan Fayruska Ebola oo u gudba qof kale ama xayawaan kale oo bed qaba. Calaamadaha Ebola waxay bukaanka kasoo baxaan labo maalmood ilaa saddex asbuuc gudahood.

Fayruska sababa cudurka Ebola waxaa laga helaa nooc kamid ah shimbirta Fiid-meerta la yiraahdo, wuxuuna cudurkaasi marka bini aadamka laga yimaado ku dhacaa noocyo kale oo naasleyda ka tirsan gaar ahaan kuwa bini aadamka la bahda ah sida: daanyeerka Gorilaha iyo Shambaanziga.

Markii ugu horeysey ee Fayruska Ebola dunida lagu arko waxay ahayd January 6, 1976, xiligaasoo tuulo ku taalla dalka Kongo cudurkaasi ku diley 13 qof oo isku hal qoys kasoo jeedey.

Tilmaamaha lagu garto cudurka Ebola:

Tilmaamaha lagu garan karo marka uu cudurku bilowga yahay waxaa kamid ah: xumad, dhuunta oo xanuunta, murqo xanuun, laab xanuun, neef qaadashada oo adkaata iyo madax wareer, xiliyada qaarna waxaa suurogal ah in bukaanka lagu arko shuban iyo mantag.

Muddo kadib waxaa bukaanka jirkiisa kasoo muuqda dhibco yaryar oo casaan iyo madow isugu jira iyo weliba nabro dheecaan leh, intaas kadibna wuxuu jirka bukaanku bilaabaa dhiig-bax.

Sidee la isaga ilaalin karaa Ebola?

Maadaama cudurku ka faafo dheecaanka qof qaba Fayruska Ebola oo taabtay qof kale, sida keliya ee looga badbaadi karaa waa in layska ilaaliyo dheecaanada bukaanka sida: dhiigga, candhuufta iyo xawada.

Sidoo kale waa in laga fogaado qalabka bukaanka Ebola-ha qabaa adeegsaday sida: qalabka caafimaadka (irbadaha iyo maqasyada wax lagu qalo), qalabka nadaafada jirka (sakiimaha lagu xiirto iyo cadeyga).

Meydka bukaanka u geeriyoodey cudurka ma ahan in la taabto, sababtoo ah fayrusku awood buu u leeyahay inuu kusii dhex noolaado jirka meydka dhowr saac geerida kadib.

Bukaanka labka ah ee ka caafimaaday cudurka Ebola hadii uu galmo sameeyo waa gudbinayaa Fayruska Ebola, maadaama fayrusku mudo labo bilood ka badan awood u leeyahay inuu xawada ninka (Sperm-ka) kusii dhex noolaado.


Laga soo bilaabo bishii March ee sanadkan 2014, waxaa cudurka Ebola u geeriyoodey in ka badan 4,500 oo qof, dadkaasoo badankoodu ku dhintay dalalka Liberia, Sierra Leone, Nigeria iyo Guinea. Dalalka fayruska Ebola gaarey waxaa kamid ah: United States, Spain, Romania, Saudi Arabia, India, Germany iyo Benin. 

Xogataan ayaa qayb ka tirsan kasoo xiganey: WHO, BBC, VOA iyo Wikipedia

GAROWE ONLINE

Related Articles

Shirweynaha 5-aad ee Golaha Guud ee Ururka Warbaahinta Puntland oo ka furmay Garowe

Madaxwayne ku xigeenka Puntland Ilyaas Cusmaan Lugotoor ayaa daahfuray Shirweynaha oo ay ka qeybgalayaan dhinacyo kala duwan.

  • Puntland

    21-04-2024

  • 11:46AM

Dowladda Puntland oo dardargelisay la macaamilka Beesha Caalamka

Kulanka ayaa looga hadlay mashaariicda horumarin iyo Kuwa bani’aadantinimo ee ay Puntland ka taageeraan iyo Sidii loo xoojin lah wadashaqeynta.

  • Puntland

    18-04-2024

  • 12:52PM