Halkee marayaa baaritaankii kufsiga iyo dilka loo gaystey Caa’isho Ilyaas?

Image

GALKACYO, Puntland - Tan iyo intii dilka iyo kufsiga foosha xun ee wada socdey loo gaystey AHN Caa’isho Ilyas Booliiska Puntland gaar ahaan kuwa xarunta gobolka Mudug ee Galkacayo ayaa wadey baaritaan ku saabsan dadkii ka dambeeyey falkaan.

Warsidaha Garowe Online oo isku dayey inuu wax ka ogaado halka uu marayo baaritaankan ayaa ogaadey in labo nin loo hayo tuhunka ah iney saldhig u ahaayeen falkaan.

Sida aan ka soo xiganey saraakiil diidey magacooda tuhunka dilka iyo kufsiga loo gaystey gabadhaan ayaa saaran labo nin oo dhalinyaro ah islamarkaana walaalo ah kuwaas oo daganaa xaafad aan ka fogeyn guriga ay ku nooleyd marxuumad Caa’isho Ilyaas.

Labadaan nin oo sida la sheegey da’dooda u dhexeyso 22-26  ayaa sida wararka lagu kalsoon yahay xusayaan waxaa baaritaan ku haya ciidamada Booliiska iyo qaar ka tirsan hay’adaha amniga ee kale ee Puntland iyadoo dhinaca kale ay xiran yihiin dhalinyaro kale kuwaas su’aalo laga waydiinayo dhacdadaan foosha xun ee loo gaystey AHN Caa’isho Ilyas.

” Caa’isho waxaa aan shaki ku jirin dadka goor maalinamo ah qafaashey iney ahaayeen kuwa aqoon u leh islamarkaana aan ka fogeyn gurigeeda.” Sidaa waxaa GO u sheegey qof aqoon u leh falalka noocaan oo kale ah. 

Wararka laga helayo xarumaha caafimaadka oo qayb ka ah baaritaankaan ayaa sheegaya in kufsiga loo gaystey AHN Caa’isho uu ahaa mid wadareed iyadoo tuhunka booliisku qabo yahay in labadaan dhalinyarada ah ahaayeen kuwa fududeeyey islamarkaana lahaa goobta fal-dambiyeedkaan ka dhacey.

Ma jirto warar tafaasiil ah ee ka soo baxay saraakiisha Booliiska kuwaas oo shacabka ugu sheegayan halka uu marayo baaritaaku iyo inuu jiro qiraal ama cadeymo ay hayaan.

Guud shacabka Soomaaliya gaar ahaan kuwo ku nool Puntland ayaa aad uga naxay ugana caroodey dilka iyo kufsiga loo gaystey ilmahaan yarka ah “Caa’isho Ilyas” iyadoo dhamaan magaalooyinka waaweyn ee Puntland ay ka dhaceen banaanbaxyo looga soo horjeedo dhacdadaan xanuunka badan.

Degaanada Puntland iyo guud ahaan dalka Soomaaliya ayaa waxaa ka dhaca falal kufsi ah kuwaas hay’adaha sharciga dalka ka qaadin talaabo adag dadka gaysta.

Raga gaysta falalkaan ayaa noqda kuwa aan muteysan muddo xabsiyeed ama dil marka ay ku kacaan dambiyadaan waxayna ka helaan intooda badan difaac qabaa’ilka ay ka tirsan yihiin iyo odey dhaqameedka.

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Shacabka Garowe oo loogu baaqay ilaalinta kanaalada biyuhu maraan

Howlgalka xalay ayaa laga sameeyay waddada laamiga ah ee Globol iyo waddada Sagal.

  • Puntland

    16-04-2024

  • 05:26AM

Puntland oo kalitalisnimo ku eedeysay madaxda federaalka

Madaxweyne Ku-Xigeenka dowladda Puntland ayaa si kulul uga hadlay hanaanka dowladnimo ee Soomaaliya,

  • Puntland

    15-04-2024

  • 11:33AM