Hanaanka DF u mareyso wadahadalka Somaliland oo la dhaleeceeyay

Image

GAROWE, Puntland – Afhayeenka baarlamaanka Puntland, oo ka hadlay furitaanka Shirweynaha Wadatashiga ee Axada maanta ah ka furmay magaaladda Garowe, ayaa dhaliilay habka loo marayo wadahadalka Somaliland.

Cabdirashiid Yuusuf Jibriil ayaa wuxuu kamid yahay mas'uuliyiinta gobolada Sool, Sanaag iyo Ceyn ku metela dowladda Puntland.

"Waxaa jirtay wadahadalo ay leedahay dowladda federaalka Soomaaliya waxaan la galayaa Somailand, wadahadaladaas iyo ergooyinka ay dowladda federaalku sameysatayba waxaan u arkaa in aysan sax ahayn xaaran yihiin, waana sababeynayaa," ayuu yiri.

Wuxuu raaciyey: "Soomaaliya halka haatan lagu waddo, waxaa la rabaa in wadahadaladaas loo dhigo in koonfur iyo waqooyi wax lawada qeybsado, Puntland xagey ku dambeyneysaa markaa? Waa inay ka baxdaa khariirada weye markaa, taana yeeli mayno".

Guddoomiyaha ayaa si gaar ah u naqdiyey shaqsiyaadka dowladda madaxweyne Farmaajo u xushay in ay miiska wadahadalka fadhiistaan.

"Ma yeeleyno wadahadalo aysan hogaamineyn dowladda Puntland, annaguna aanan qeyb ka ahayn," ayuu xusay, isagoo caddeeyay "ninkii aa taa nagula shaqeynin, annaguna lama shaqeynayno".

Shacabka Puntland ayuu ku booriyey in ay ku kalsoonaadaan dowladooda isla markaana uga dambeeyaan arrimaha siyaasadda.

Xeer-dejinta federaalka ayuu ku eedeeyay in ay meelmariyaan sharciyo aan laga talagelin maamulada kana soo horjeeda federaalka.

Puntland ayaa mar sii horeysay in ay door ku yeelato wadahalada maamulka gooni u goosadka ah ee Hargeysa maadaama ay xuduud la leedahay isla markaana uu muran dhuleed kala dhaxeeyo.

Somaliland oo tan iyo 1991-kii sheegata in ay ka madax banaan tahay Soomaaliya inteeda kale ayaanan wali helin wax aqoonsi, waxaana dowladda Farmaajo ku fashilantay in ay dib u bilowdo wadahalada hakadka ku jira.

MUUQAALKA CABDIRASHIID

GAROWE ONLINE

Related Articles

Booliska Puntland oo lagala hadlay ka hortaaga xaalufinta deegaanka

Isku xirnaanta Wasaaradda Degaanka iyo Isbedelka Cimilada iyo Hogaanka Booliska ayaa sidoo kale looga hadlay shirkan.

  • Puntland

    27-03-2024

  • 04:28AM

Qardho: Mashruuc horseeday jarista dhir baaxad leh oo laga digay

Wasaaradda deegaanka iyo Isbedelka Cimiladda ee Puntland ayaa ku baaqdey in degdeg loo joojiyo jarista dhirtan.

  • Puntland

    26-03-2024

  • 01:41PM