Urur Siyaasadeedyada Puntland ee buuxiyey shuruudaha oo la shaaciyey

Image

GAROWE, Puntland - Guddiga ku meelgaarka ah ee doorashooyinka Puntland ayaa Sabtida maanta ah wuxuu soo afjaray hannaankii diiwangelinta Ururada Siyaasadda Puntland ee soo bilowday 15-kii December 2019.

Sidda lagu sheegay war-saxaafadeed kasoo baxay guddiga oo uu arkay Garowe Online, tobban urur siyaasadeed ayaa buuxiyey shuruudaha, kuwaas oo qorshuhu yahay in dhowaan la guddoon-siiyo shahaadada rasmiga ah.

Hanaanka diiwaan-gelinta ayaa ka koobnaa saddex wareeg oo Ururadda kolkii hore is-diiwaan-geliyey ay ku kala hareen. Shuruudaha loo baahnaa waxaa kamid ah in ay gobolada Puntland ku leeyihiin xafiisyo dhameystiran.

Ururadda diiwaan-gelinta kusoo baxay waxaa kamid ah KAAH oo kan xukuumadda uu hogaamiyo madaxweyne Deni. Sidoo kale, waxaa kamid ah Horseed oo uu leeliyo Senator Faroole, ahna madaxweynihii hore ee Puntland.

Intaas waxaa wehliya Ururadda kale ee kala ah; Runta iyo Cadaaladda, Shaqaalaha, Dhalinyarada, Cadaaladda iyo Sinaanta, Mideeye, Mustaqbal, Himilo iyo Ifiye kuwaas oo shuruudihii la hor-dhigay kasoo baxay.

Puntland ayaa si rasmi ah waxay ugu talaabtay hanaanka xisbiyadda badan, kaas oo awooda dib ugu celinaya shacabka isla markaana soo dooran doonan hogaamiyeyaasha ku metelaya hay'addaha dowladda.

Dimuqraadiyeynta Puntland ayaa ah yool uu dowladan xubinta ka ah federaalka Soomaaliya kaga gudbi doono hanaanka awood qeybsiga ee ku dhisan 4.5, kaas oo heshiis bulsho oo ku meelgaar ah loogana gudbayey xaalado. 

Hoos ka akhriso qoraalka guddiga

GAROWE ONLINE

Related Articles

Geerida Xaawo Aadan Cameey: Haldoor taariikh ku reebtay waxbarashada gabdhaha Soomaaliya

Marxuumad Xaawo waxay ahayd aasaasihii iyo agaasimihii Xarunta Waxbarashada Gaalkacyo…

  • Puntland

    14-09-2026

  • 10:12AM

Burcad-badeeda oo sii daayay markab iyo 17 shaqaale ah kadib bixinta madax-furasho

Waxaa ka mid ahaa laba dooni oo kalluumeysi oo laga leeyahay Iran iyo markabka MV Lutuf, oo ka babanayay calanka Cameroon.

  • Puntland

    13-09-2026

  • 06:52AM