Hay'ada Kaalo oo ka hadashey ajnabi la geeyey tuulada Garacad

Image

November 28, 2014 [GO]- Gudoomiyaha Hay'adda Kaallo Puntland  Maxamuud Shiikh Xaamid ayaa beeniyay warar sheegayay in mashaariic u socotey degmada Eyl loo wareejiyay Degmadda Jariiban iyo tuulada Garacad ee Gobalka Mudug.

Hay'adda Kaallo oo uu madaxda ka yahay Maxamuud Shiikh Xaamud ayaa xustey in mashaariic kala duwan ka wadaan degmooyinka Eyl iyo Jariiban oo ka kala tirsan Nugaal iyo Mudug.

Mas'uulkaan ayaa sidoo kale ka gaabsaday mar uu la hadlayey Idaacada Radio Garowe sababta hay'adda Stidet oo laga leeyahay wadanka Holland islamarkaana ka wada shaqeeyaan mashaariic  ugu raaci waayeen socdaalka ay ku tageen tuulada Garacad iyo degmada Jiriiban.

Asbucii la soo dhaafey ayaa waxaa soo baxey warar tibaaxaya in hay'ad laga leeyahay dalka Holland ay sarkiil ka tirsan xukuumada Madaxweyne Cabdiweli Cali Gaas si aan qorshahooda ku jirin ugu kexeysteen tuulada Garacad oo ka tirsan gobolka Mudug.

Wasiiru dowlaha Wasaarada Kaluumeysiga, Mareeyaha Hay'adda jidadka Puntland iyo Agaasime ka tirsan Madaxtooyada Puntland ayaa maalintii shaley shir-saxfadeed  ay ku qabteen Garacad ku beeniyey ineysan saraakiil ka socota Hay'adda Holland soo afduuban balse degaankaan ku yimaadeen safar shaqo.

Warsidaha Radio Garowe ayaa raadiyey inuu wax ka ogaado arintaan soo ifbaxdey iyadoo shaki badan ku abuurtey shacabka Puntland gaar ahaan kuwa ku nool gobolka Nugaal.

Maxamud Shiikh Xaamud oo Radio Garowe wax ka waydiiyey sababta safarkaan ugu wehelin waayeen xubnaha ka socdey dowlada ayaa yiri " Wax dhib ah ma jiro lakiin Kaalo waxa ay tabaneyso iyo cidda ay ka tabaneyso hab dowladeed bay u mareysaa, ma aha wax mas'uuliyiinta waaweyn ku lug leeyihiin arintaan, khalad-na waa iska dhacaa." 

Guddoomiyaha hay'ada Kaalo ayaa carabka ku adkeeyey islamarkaana shacabka Puntland u jeediyey in wadanku isku-mid yahay, degaanka wax laga qabanayo lagu farxo iyadoo aan loo arkin in qabiil ama reer kaliya wax loo qabanayo isagoo tusaale u soo qaatey jaamacada dhowaan laga dhisayo magaalada Baran ee gobolka Sanaag taasoo wax u tari doonta buu yiri dhamaan ardeyda Somaliyeed.

Hay'ada Kaalo ayaa aad ugu carootey socdaalka lagu kexeeyey sarakiishaan ka socotey hay'adaan laga leeyahay dalka Holland  iyadoo wararku xusayaan in laga reebey iney xubnaha ka socdey xukuumada Gaas ku weheliyaan safarkaan sababo aan la shaacin.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Shirweynaha 5-aad ee Golaha Guud ee Ururka Warbaahinta Puntland oo ka furmay Garowe

Madaxwayne ku xigeenka Puntland Ilyaas Cusmaan Lugotoor ayaa daahfuray Shirweynaha oo ay ka qeybgalayaan dhinacyo kala duwan.

  • Puntland

    21-04-2024

  • 11:46AM

Dowladda Puntland oo dardargelisay la macaamilka Beesha Caalamka

Kulanka ayaa looga hadlay mashaariicda horumarin iyo Kuwa bani’aadantinimo ee ay Puntland ka taageeraan iyo Sidii loo xoojin lah wadashaqeynta.

  • Puntland

    18-04-2024

  • 12:52PM