Heritage oo loo fasaxay inay Puntland waydiiso nidaamka Federaalka

Image

GAROWE, Sept 17,2014 [ GO]- Magaalo madaxda Puntland ee Garowe ayaa waxaa lagu wadaa in maalinta berri ah Sept 18, 2014 lagu qabto kulan lagu tilmaamay Barnaamij cilmi baariseed kaasoo lagaga hadli doono in nidaamka federaalka Soomaaliya ka shaqeyn karo iyo in kale.

Barnaamijkan cilmi baarista oo hay'ada Heritage qabaneyso ayaa waxaa wararku sheegayaan in boqol qof ka qayb gali doonaan kuwaasoo 50 kamid ah laga keeney magaalada Galkacayo halka 50-ka kalena ay Garoowe ka yimaadeen.

Hay'ada cilmi baarista Heritage  ayaa waxaa madax ka ah islamarkaasna aasaasey Cabdi Caynte oo lagu tirin jirey inuu aad ugu dhowaa siyaasadda Madaxweynihii hore ee DFKMG Shiikh Shariif.

Barnaamijkan cilmi baarista ee lagu qabanayo magaalada Garowe waxaa hurmuud ka ah Cabdirashiid Xaashi. Cabdirashiid oo Wasiirka Warfaafinta ka ahaa dowladii Madaxweyne Shiikh Shariif hadda waa  ku xigeen madaxa hay'adaan Cilmi baarista oo hagta siyaasada dowladihii isaga dambeeyey magalada Muqdishu kuwaasoo diidanaa nidaamka Federaalka.

Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Cali Gaas ayaa fasaxey in kulankaan lagu qabto magaalada Garowe iyadoo wararku sheegayaan in markii hore la diidey balse dib ogolaansho loo siiyey.

Su'aalaha dadka kulankan cilmibaarista ah ka qayb gelayaa ka jawabayaan waxaa kamid ah:

1-Somalidu nidaamka Federaalka ma si cilmi ku dhisan ayey ku wadaan mise habqan, sida hada wax ku socdaan sidee u aragtaa?

2- Nidaamkee Federaal ah ayaa Somalia u haboon?

3- Hadii ay suura gali waydo in la qaato habka aad rabto, habkee ayaa kuugu soo xiga oo aad is-leedahay waa la qaadan karaa?

4- Hanaankee ayaad is-leedahay waa in laga fogaado, sababta sheeg?

5- Federaaleyntu ma waxaad is-leedahay Soomali ayaa riixeysa, mise awoodo kale oo dibada ah?  iyo kuwa la mid ah.

" Waxaa nasiib-daro ah Puntland oo aheyd hooyadii Federaalka Somalia in shacabkeeda la waydiiyo maanta su'aalahaan iyo kuwa lamid ah" sidaas waxaa yiri Cabdi Maxmud oo kamid ahaa dadkii haystey casumaada lagaga qayb galayo bar-naamijkaas.

Kooxda hurmuudka u ah cilmi baaristaan ayaa wararku sheegayaan in laga soo eryey xarunta maamulka Somaliland ee Hargeysa kadib markii dowlada wax ka ogaatey qorshaha barnaamijkooda.

Wararka ku xeeran Barnaamijkan cilmi baaritsa ee hay'ada Heritage riixeyso ayaa sheegaya iney hordhac u yihiin qodobo la rabo in la hordhigo guddiga dib-u-eegista ku sameynaya Dastuurka Federaalka kuwaasoo dhowaan la magaacbey.

Madaxweyne Gaas ayaa taageeray xubinta Puntland ugu jirta Gudiga dib-u-eegista Dastuurka Federaalka Somalia oo ah Caasho Geelle, waxaase dib loogu yeeray kaddib markii Puntland ay xiriirka u jartay dowladda uu hoggaamiyo Madaxweyne Xasan Sheekh.

GAROWEONLINE

Related Articles

Booliska Puntland oo lagala hadlay ka hortaaga xaalufinta deegaanka

Isku xirnaanta Wasaaradda Degaanka iyo Isbedelka Cimilada iyo Hogaanka Booliska ayaa sidoo kale looga hadlay shirkan.

  • Puntland

    27-03-2024

  • 04:28AM

Qardho: Mashruuc horseeday jarista dhir baaxad leh oo laga digay

Wasaaradda deegaanka iyo Isbedelka Cimiladda ee Puntland ayaa ku baaqdey in degdeg loo joojiyo jarista dhirtan.

  • Puntland

    26-03-2024

  • 01:41PM