Howlgal Amni oo Garowe laga billaabayo [Dhagayso+Sawirro]

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

GAROWE, Puntland- Shir deg deg ah oo ay isugu yimaadeen mas’uuliyiinta wasaaradda amniga, gobolka degmada Garowe iyo taliyaasha laamaha nabadgalyada Puntland ayaa laga soo saaray dhowr qodob oo lagu xaqiijinayo ammaanka caasumadda.

Shirkan oo ka dhacay Garowe, ayaa diiradda lagu saaray sidii wax looga qaban lahaa  dal-daloola amniga ee muddooyinkan ka jiray magaalada.

Xubnaha kulanka yeeshay ayaa isku af-gartay dhowr qodob oo ay kamid ahaayeen;

1: In la qabto dhammaan dambiilayaasha oo kala ah Argigixisada, kuwa dadka baarta iyo kuwa dhulka lu haya boobka

2:-Laga bilaabo todobada bishaan qofkii lagu qabto hub isagoo aan shaqo ku jirin sharciga ayaa la horgaynaynaa, hubkana waa lagala wareegayaa.

Garoonka Kubbadda Cagta ee Mire Awaare ayaa lagusoo bandhigay ciidamada fulintoonta howgalkan oo qaadan doona muddo bilooyin ah.

Taliyaha la dagaalanka argigixisada Puntland, General Muxiyadiin Axmed Muuse oo taliye looga dhigay howlgalkaan ayaa wacad ku maray inay gacan bir ku qabandoonaan burcadda dhibaatada ku haysa bulshada.

Muxiyadiin ayaa digniin u jeediyay cid walba oo ku howlan inay xagal daaciso ammaanka caasimadda Puntland, wuxuuna bulshada ka codsaday inay la shaqeeyaan ciidamada.

Cabdi Xirsi Cali (Qarjab) oo ah wasiirka Amniga Puntland, ayaa xusay in ciidamadu inay iska difaacaan cid kasta oo dhibaato kala hortimaada, isagoo sidoo kale ugu baaqay inay bulshada u naxariistaan mudada ay wadaan howlgalkan.

Arrintan ayaa timid xilli shalay magaalada Garowe ay ka dhacday is-rasaasayn ka dhalatay muran ku aadan dhulka, taasoo dhexmartay ciidamada amniga iyo dhalinyaro.

Garowe ayaa muddooyinkii dambe waxaa aad ugu soo badanayay khilaafaadka ku salaysan dhulka oo hadda lagu tilmaamo meelaha ugu qaalisan Puntland.

Sannadkii hore ayay ahayd markii howlga muddo bil ah socday lagula dagaallamayay bacaha madow ee baabuurta lagu xiro iyadoo sidoo kale baaritaano lagu samaynayay xaafadaha iyo hubka loo isticmaalo qaabka sharci darrada ah.

Lama oga waxa qorshahan uu ka badali doono xaaladda magaalada Garowe.

GAROWEONLINE

Related Articles

Booliska Puntland oo lagala hadlay ka hortaaga xaalufinta deegaanka

Isku xirnaanta Wasaaradda Degaanka iyo Isbedelka Cimilada iyo Hogaanka Booliska ayaa sidoo kale looga hadlay shirkan.

  • Puntland

    27-03-2024

  • 04:28AM

Qardho: Mashruuc horseeday jarista dhir baaxad leh oo laga digay

Wasaaradda deegaanka iyo Isbedelka Cimiladda ee Puntland ayaa ku baaqdey in degdeg loo joojiyo jarista dhirtan.

  • Puntland

    26-03-2024

  • 01:41PM