​Ilaalada Madaxweyne ku-xigeenka oo qabsatay xarunta Amal Garowe

Image

GAROWE, Puntland- Ciidamada katirsan kuwa ilaaliya madaxweyne ku-xigeenka Puntland Cabdixakiim Cabdullaahi Xaaji Cumar Camay, ayaa saaka la wareegay xarunta weyn ee ay ku shaqayso Xawaaladda Amal.

Mas'uul katirsan Shirkadda Amal oo magaciisa qariyay ayaa GO u sheegay in ciidamada goobta qabsaday yihiin ilaalada khaaska ah ee madaxweyne ku-xigeenka Puntland, kuwaasoo meesha ku yimi amar ay ka haystaan Camay.

Ujeedka xarunta loo qabsaday ayaa lagu sheegay inay tahay lacag baad ah oo madaxweyne ku-xigeenku ka dalbaday Amal kaasoo cadadkeeda lagu sheegay $70,000.

Madaxweyne ku-xigeenka Puntland ayaa mas'uuliyiinta shirkadda ku wargaliyay in lacagtaasi loo adeegsanayo soo celinta gobollada muranku ka taaganyahay ee Sool iyo Sanaag.

Dalabka Camay, waxaa gaashaanka ku dhuftay maamulka ugu sarraysa xarunta waxayna tilmaameen inaysan bixin karin lacag intaas le'eg maadaama  ay yihiin shirkadda gaar loo leeyahay.

"Saaka waxaa xarunta yimid ciidamo ku hubaysan tikniko, waxay qabsadeen xarunta Amal ee kasoo horjeeda dhismaha UNSOM, waxay diideen inay gudaha xarunta u galaan shaqaalaha, muddo ayay halkaasi joogeen ilaa markii dambe madax katirsan shirkadda tageen madaxtooyada oo loo sheegay inay bixiyaan lacagtaas,"Sidaas waxaa GO u sheegay mid kamid ah howl-wadeenada shirkadda Amal Garowe.

Ciidamada xarunta qabsaday ayaa markii dambe goobta isaga baxay, waxaana iminka socda wada-hadallo ku aadan qorshaha dowladdu doonayso.

Majirto wax war ah oo kasoo baxay dhinaca xukuumadda madaxweyne Gaas taasoo ku aadan qorshaha uu ku dhaqaaqay madaxweyne ku-xigeen lamana oga in madaxweyne Gaas talaabadaas ku raacsanyahay ku-xigeenkiisa.

Waxaa xusid mudan in horay xukuumaddu u samaysan sanduuq dhaqaale loogu aruurinayo difaaca dalka iyo dhismaha ciidamada kaasoo lacago badan ku bixiyeen bulshada ku dhaqan dalka, dibadda iyo ganacsata.

Lama oga halka lacagtaasi ku dambaysay iyadoo horay cabashooyin wax qabad la'aan u muujiyeen ciidamadii ku dhawaacmay difaaca Puntland.

Arrintan ayaa saaka noqotay hadal haynta ugu badan ee magaalada Garowe iyadoona noqotay tallaabadii ugu horraysay ee ay ku dhaqaaqaan ilaalo amar ka haysta madaxda ugu sarraysa dowladda. 

GAROWEONLINE

Related Articles

Shirweynaha 5-aad ee Golaha Guud ee Ururka Warbaahinta Puntland oo ka furmay Garowe

Madaxwayne ku xigeenka Puntland Ilyaas Cusmaan Lugotoor ayaa daahfuray Shirweynaha oo ay ka qeybgalayaan dhinacyo kala duwan.

  • Puntland

    21-04-2024

  • 11:46AM

Dowladda Puntland oo dardargelisay la macaamilka Beesha Caalamka

Kulanka ayaa looga hadlay mashaariicda horumarin iyo Kuwa bani’aadantinimo ee ay Puntland ka taageeraan iyo Sidii loo xoojin lah wadashaqeynta.

  • Puntland

    18-04-2024

  • 12:52PM