Ingiriiska oo ka qayb qaadanaya horumarinta dekadda Boosaaso

Image

GAROWE, Puntland – Boqortooyadda Ingiriiska ayaa shaacisay in ay dooneyso in ay Puntland ka caawiso horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha.

Safiirka UK u fadhiya Soomaaliya ayaa si gaar ah farta ugu fiiqay in dowladiisu quudareenayaan in ay door wayn ku yeelato horumarinta dekada Boosaaso.

Ben Fender oo Sabtii booqday magaalada Garowe, caasimada Puntland, ayaa sheegay in sidoo kale ay taageero siin-doonan kalluumeystada.

"Waxaan halkaan u nimid in aan maalgashano dekadaha iyo in aan caawino kaluumeysatadda," ayuu daba dhigay hadalkiisa.

Marsadda Boosaaso waxaa haatan maamusha shirkadda DP World ee laga leeyahay dalka Isu tagga Imaaraadka taasi oo adeegto casri ah kusoo kordhisay.

Denjiraha ayaa intaasi raaciyay in ay kaalintooda ka ciyaari doonan u gurmashada dadka ay saameysay abaaraha ku dhuftay qaybo kamida Puntland.

"Puntland waa qayb kamid ah wadanka oo amni ah," ayuu Fender yiri, isaga oo la hadlayay suxufiyiinta xarunta gobolka Nugaal.

Ingiriiska waa dalka labaad ee taageerada ugu badan ku bixiya ka jawaabista arrimaha bini'aadanimada ee Soomaaliya, sida uu ka dhawaajiyay safiirka.

"Britain sidoo kale waa waa mid kamida saaxiibada ugu balaaran ee Soomaaliya, waxaana ka fulinaa Puntland mashaariicyo kala duwan, oo lagu taageerayo nolosha iyo amniga dadka," ayuu xusay.

Mr Fender oo sii hadlaya ayaa daaha ka rogay in dowladiisu ay ku garab taagan tahay Puntland la dagaalanka argagixisada gaar ahaan maleshiyaadka Al-Shabaab iyo Daacish oo khatar ku ah amaanka.

Diblumaasiga ugu sareeya safaarada Ingiriiska ayaa ku nuux-nuux saday in ay isla soo qaadeen madaxwayne siyaasada qaranka, nidaamka awood qaybsiga, garsoorka, doorashada soo socota iyo horumarka qaranka.

"Waxaan kawada hadalnay sidii saaxiibada caalamka sida UK ay uga qayb qaadan lahaayeen horumarinta amniga iyo siyaasada, si koox mideysan looga noqdo horumarka qaranka," ayuu ku daray.

Waa markii ugu horeysay oo uu safiirka UK, Ben Fender socdaal ku tago magaalada Garowe tan iyo markii loosoo magacaabay howlgalka Ingiriiska ee Soomaaliya.

"Madaxwayne [Deni] waan kaaga mahad-celinayaa soo dhaweyntaada, in aan naga ogolaaatay in safiiradu qayb ka noqdaan kulankeena … waan ku farax-sanahay imaatinkeyga, marar badana waan rajeynayaa in aan kusoo laabto halkaan," ayuu kusoo xiray hadalkiisa.

HOOS KA DAAWO MUUQAALKA

GAROWE ONLINE

Related Articles

Booliska Puntland oo lagala hadlay ka hortaaga xaalufinta deegaanka

Isku xirnaanta Wasaaradda Degaanka iyo Isbedelka Cimilada iyo Hogaanka Booliska ayaa sidoo kale looga hadlay shirkan.

  • Puntland

    27-03-2024

  • 04:28AM

Qardho: Mashruuc horseeday jarista dhir baaxad leh oo laga digay

Wasaaradda deegaanka iyo Isbedelka Cimiladda ee Puntland ayaa ku baaqdey in degdeg loo joojiyo jarista dhirtan.

  • Puntland

    26-03-2024

  • 01:41PM