Isbitaalka guud ee Garowe oo dib-u-habeyn lagu sameeyay

Image
Image
Image
Image
Image

GAROWE, Puntland – Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni ayaa 25-ka bishii April 2019 waxa uu maamul cusub u magacaabey Isbitaalka guud ee Garowe, taasi oo qeyb ka ahayd dib u habeyn lagu sameynayo hay’addaha dowladda.

Dr. Xabiibi Nuux Ismaaciil ayaa laga dhigay agaasimaha cusub ee Isbitaalka caasimadda dowladda Puntland, halka Dr. Mohamud Abdirashid Nuur oo ku magac dheer "Dr. Geele" loo xushey agaasime ku xigeenka.

Dib u habeyn

Maamulka cusub oo muddo kooban xafiiska jooga ayaa yoolkooda saddex bilood ee soo aadan ku sheegay; dib u habeynta shaqaalaha, hagaajinta bilicda isbitaalka iyo tayeenta howladeenadda, kuwaasi oo qeyb ahaan ay wax ka qabteen.

Kahor inta aysan xafiiska la wareegin, waxaa ka howlgaleysay xaruntan caafimaad 127 shaqaale, balse hadda waxaa ka u diiwaan-geshan 74 taasi oo ka dhigan in qeyb ahaan howladeenada ay ku baxeen dib u habeyn lagu bilaabay.

"Shaqaalaha joogay markii aanu nimid 127-da waxay isugu jireen kuwa waxbarasho jiray, kuwa aan xirfada lahayn iyo kuwa dibadda jira balse markii mushaharka la bixinayo kaliya soo xaadi jiray. Kuwaasi unbaa liiska ka saarnay ee ma jirto shaqaale aan ceryinay marka laga reebo kuwa aan xirfadda lahayn," ayuu yiri Dr Geele, oo arrintan u sharaxaya warsidaha Garowe Online.

Isbitaalka guud ee Garowe oo ka kooban 47 qol oo bukaan jiif ah, kuwaasi oo ay yaaliin 101 sariir ayaa maamulka cusub wuxuu ku kordhiyey hal qol oo qaliinka loogu talogalay, kaasi oo loo dhameystiray qalabkiisa.

"Qeybta bilicda wax badan baanu ka qabanay. Waxaana oran karaa qodobadii aanu degsanay saddexda bilood badankooda waan ku guuleysanay," ayuu hadalkiisu daba dhigay mas'uulka.

Caqabadaha

Isbitaalka guud ee Garowe oo la aas-aasey sagaashamadeeyadii kana soo bilowday MCH isla markaana dowladii dhexe ay burburtay isaga oo balaarin uu ku socdo ayaa waxaa tan iyo xiligaasi gacanta ku hayey bulshada iyo dowladda.

Dib-u-dhac soo wajahey ayaa isugu jira khilaaf dhanka maamulka ah, dhaqaale xumo, daawo yar, qalab yar iyo dhakhaatiirta muhiimka ah ee dadweynuhu baahiyaha u qaba oo aaney laga helayn sababo ku aadan mushahar la’aan.

Dr Geelle oo meesha ka saarey in maamulka cusub uu khilaaf soo dhex-geli doono ayaa daboolka ka qaadey inta ay xafiiska joogan ay ku guuleysteen in ay keenan dakhtar qaliinka oo uusan horey u lahayn.

"Caqabadaha na haysta ma ahan waxaan tiring karno. Isbitaalka qeybta qaliinka kuma filna waa qeyb mar hore la dhisay, oo xiligaan la joogo 2019 kuma haboona. Dhismaha oo dayactir u baahan. Waxaan u baahan nahay qeyb kali nadiifin, oo magaaladda qofkii kali nadiifin u baahan aanu heli karin, mushahar la'aan oo ma jirto cid [guno qaadata] iyo daawo yari; oo daawada haatan waxaanu kasoo iibsanaa dibadda, wasaaradda wax faleen-booyin iyo dawooyin yar-yar bey noo keentaa, hadey hayso waxba nagama hag-radeen. Wasaaradu kaliya Isbitaalka Garowe uma ahan wasaarad, markay mashaariicyo soo heshana way noo keentaa." ayuu xusay.

Laba bukaan oo aysan kaliyuhu shaqeyneyn baa waqti xaadirkan jiifa Isbitaalka, sidda laga soo xigtay Dr Geele. "Waxba uma qaban karno, sababtoo ah ma haysano qalabkii wax loogu qaban lahaa".

Inkasta oo uu cadeeyay in dhibaato guud loona baahan yahay in si wadajir ah wax looga qabto, haddana waxa uu kalsooni weyn ka muujiyey in ay shaqadda sii wadi doonan, isla markaana uu imaan doono xal.

"Wasaaradda Caafimaadka oo uu Isbitaalka hoostago way ogtahay annaga oo aan u gudbinay bay ogtahay caqabadaha Isbitaalka ka jira," ayuu isaga oo raaciyey "Waanu u gudbina, waana la fariisanay. Laakiin, waa arrin Puntland oo idil ay ka jirto dhaqaale yarida".

Hiigsiga

Isaga oo rajo wanaagsan muujinaya, Dr. Geelle ayaa wuxuu ku nuux-nuux saday in ay ka shaqeynayaa sidii isbitaalka ay ugu soo hiran lahaayeen dhakhaatiirta ugu caansan caasimadda dowladda Puntland.

Agaasime ku xigeenka ayaa intaasi ku daray in ay qorshaha ugu jirto sidii loo balaarin lahaa waqtiyadda shaqadda ee Isbitaalka, isla markana xili kasta oo kamid ah 24-ka saac looga heli lahaa dhakhtar walba.

"Annagu taa qorshe fiican baan la leenahay. Kow waxaa ka ah in Isbitaalka Garowe uu yeesho shaqaale nadiif ah oo hufan oo u shaqeeya Isbitaalka," ayuu ku bilaabay isaga oo daba dhigay "Isbitaalka in uu noqdo mid 24-saac la isku helayn karo. Hiigsiyada aan leenahay waxaa kow ka ah in Isbitaalka laga helo dakhtar walba oo loo baahdo oo takhasus leh, oo qof walba oo jooga Puntland ama Garowe uu Isbitaalka ka helo dhakhar walba, arrintaasi waan bilownay dakhtarka qaliinka oo ay cabasho ka taagneyd waanu keenay hadda wuu joogaa, isaga iyo shaqaalahiisa macal caawiyeyaashiisa. Kuwa dhimana hadda qorshaha ayay noogu jirtaa in lix bilood gudahooda aanan laga weynin Isbitaalka Garowe dakhtar walba takhasuskiisa, Isha Allah," ayuu shaaca ka qaadey.

Ugu dambeyntii, agaasime ku xigeenka ayaa wuxuu beeniyay in haatan Isbitaalka wax lacag ah laga qaado dadweynaha marka la siinayo daawooyinka.

"Maadaama farmashiyihii Isbitaalka aan laga helayn daawooyinka, waxaan isbitaaka gudihiisa ka sameynay mid kale, kaasi oo ay kasoo iibsanayaan, lacagta ay ku dhaceyso Bangiga Isbitaalka," ayuu daaha ka rogay.

MUUQAALKA WAREYSIGA

GAROWE ONLINE

Related Articles

Dowladda Puntland oo dardargelisay la macaamilka Beesha Caalamka

Kulanka ayaa looga hadlay mashaariicda horumarin iyo Kuwa bani’aadantinimo ee ay Puntland ka taageeraan iyo Sidii loo xoojin lah wadashaqeynta.

  • Puntland

    18-04-2024

  • 12:52PM

Puntland oo qaadacdey shirka uu iclaamiyay Xasan Sheekh

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa 21-ka ilaa 22-ka bishan April u mudeeyay in uu qabsoomo shir madaxeedkan.

  • Puntland

    17-04-2024

  • 06:28AM