Jahawareer ka taagan tartan loo galey Agaasimaha hay'ada PDRC

Image

Arbaco, 29 October,2014[ GO]- Hay'ada PDRC oo xarunteedu tahay magaalo madaxda Puntland ee Garowe ayaa waxay shaacisay bilhii lasoo dhaafey inuu banaan yahay xilka Agaasimaha hay'adda iyadoo xayeysiis ku sameeysay in tartan loo galo jagadaan banaan.

Hay'ada PDRC oo Agaasime uu ka ahaa tan iyo sanadkii 2000 Cabdiraxman Cabdulle Shuuke ayaa xilka isaga dagey arrimo caafimaad la xiriira sanakaan 2014 isagoo gaarsiyey xaruntaan cilmi baariseed meel sare.

Wararka laga helayo tarntanka loo galey Agaasimaha xaruntaan cilmi baariseed ayaa sheegaya in guddiga sare ee hay'ada PDRC "Board of directors' markii ay kala saareen codsiyadii dadkii xilkaan raadinyey kasoo reebeen Sadex xubnood.  

Guddiga kala saarista araa-jidaan oo fariistey 27 October,2014 ayaa waxaa kamid ahaa xubnaha sare ee hay'adaan cilmi baarista " Board of directors", Wasaarada shaqada shaqaalaha, Wakiilo ka socdey hay'ada PUNSA, wakiilo ka socdey hay'ada Interpeace oo dhaqaalaha ka tageerta PDRC iyo xubno ka socda maamulka hay'ada.

Shaqo badan iyo kala xulis guddigaan ku sameeyey xubnahii soo codsadey xilkaan oo farabadnaa ayaa waxey liiska ugu dambeeya waxaa ku soo baxey sadex xubnood tartanka xilka Agaasimaha hay'ada PDRC, waxeynka kala ahaayeen; Dr. Cali Cabdulahi Warsame "Wasiirkii hore ee caafimaadka Puntland, Muse Ducaale "Sarkaal u shaqeeya hay'ada UNDP' iyo Daahir Mire Jibriil " Agaasimihii hore  ee xafiiksa AHN Madaxweyne Cabdulahi Yusuf Axmad."

Wararka aan ka helyno xubno u dhuun daloola kala saarista dadkaan ayaa sheegaya in qofka Kowaad ee sadexaan qof uu ahaa marka loo eego heerka aqooneed Dr. Cali Cabdulahi Warsame.

Go'aanka guddigaan ayaa waxaa diidey maamulkii KMG ah ee xarunta PDRC, gaar ahaan agaasime ku-xigeenka islamarkaana ah sii hayaha xilkaan Cali Farax Farmayeeri.

Maamulka KMG ah ee hay'ada ayaa sababha uu ku diidey go'aanka guddiga sare ee hay'ada PDRC weli hadal kasoo saarin iyadoo wararku sheegayaan in lagu saleeyey mid siyaasdeed.

Dowlada Puntland xubnaha sare ee ka jooga magaalo madaxda Garowe ayaa waxey ka codsadeen maamulka KMG ah ee xarunta PDRC u hogaansamaan go'aanka guddiga qaybta ka ahaa kala xulista u tartamayaasha xilkaan.

Wararka la xiriira baqdinta ka timid maamulka KMG ah ee PDRC ayaa ku wajahan in Dr. Cali Cabdulahi Warsame ku soo baxo xilkaan madaama heer aqooneed iyo waayo aragnimo u leeyahay shaqadaan islamarkaana xubnahaanu ka cabsi qabaan in hay'ada isbadal uu ku sameeyo kaasoo saameyn ku yeelan kara xubnaha hada shaqeynaya.

Warsidaha GO ayaa idinla socodsiin doona wararka ka soo kordha jahawareerka ka taagan magacaabista Agaasimaha hay'ada PDRC iyo halka ay caga dhigato.

Related Articles

Shirweynaha 5-aad ee Golaha Guud ee Ururka Warbaahinta Puntland oo ka furmay Garowe

Madaxwayne ku xigeenka Puntland Ilyaas Cusmaan Lugotoor ayaa daahfuray Shirweynaha oo ay ka qeybgalayaan dhinacyo kala duwan.

  • Puntland

    21-04-2024

  • 11:46AM

Dowladda Puntland oo dardargelisay la macaamilka Beesha Caalamka

Kulanka ayaa looga hadlay mashaariicda horumarin iyo Kuwa bani’aadantinimo ee ay Puntland ka taageeraan iyo Sidii loo xoojin lah wadashaqeynta.

  • Puntland

    18-04-2024

  • 12:52PM