Jahawareer Dhaqaale iyo Sicir Barar ka taagan Puntland [Dhageyso]

Image

GAROWE, Puntland - Xaruumaha Ganacsiga magaalada Garowe, ee Caasumadda Puntland ayaa maanta oo Arbaco ah (August 23, 2017), Al-baabada la isugu dhuftay, kadib markii Ciidamada amaanka ay Ganacsatada ku qasbeen inay qaataan Lacago Faalsa ah oo suuqyada lasoo geliyay.

Qaar kamid ah Ganacsatada, oo la hadlay Warsidaha Garowe Online, ayaa sheegay in ay go’aan ku gaareen inay xiraan goobahooda Ganacsiga, maadaama ay khasaaro kasoo gaareyso Lacagta Faalsada ah, ee dowladdu ku khasabayso inay qaataan.

Dhibaatada dhaqaale ee ka jirta Puntland ayaa timid markii Dowladda Madaxweyne Cabdiweli Maxamad Cali Gaas horey u daabacdey shillin Soomaali, kadib markii ay bixin waydey mushaharaadka Ciidamada, Shaqaalaha Hay'adaha dowladda iyo adeegyada shacabka.

Xukuumadda Gaas ayaa lagu eedeeyay inay si xun u maamushay dhaqaalaha kasoo xarooda Canshuuraha shacabka iyo Deeqaha Caalamka uu siiyay, waxaana arintaasi keentay inay daabacdo Lacago Faalsa ah, ee hadda saamaysay guud ahaan Deegaanada Puntland, islamarkaana abuurtay Jahwareer Dhaqaale.

Talabadaan ayaa keentey in suuqayada Puntland ay lacago shillin Soomaali ah oo meelo kale ka yimid kasoo buuxsamaan, taasi oo keentey in qiimo aad u sareeya, oo Shillin Soomaali ah lagu raadiyo dollar-ka yar ee yaala Suuqayada. 

Lacagaha kale ee Shillin Somaliga ayaa waxaa lagu soo daabacaa  deegaano ka tirsan gobolada Woqooyiga iyo Gobolada dhexe ee Somalia, kuwasoo sababey in sarifka dollarku gaaro in gacanta Kowaad 100 USD lagu sarifo inta u dhexeys 2,800,000 (Labo Milyan, Sideed Boqol oo Kun) Ilaa 3 Milyan Shillin Somaali ah.

Dhibaatada hadda taagan ayaa cirka isku shareertey, kadib markii lacago Shilin Soomaali Duug ah, oo laga soo dhoofiyey Koonfurta Somalia, laguna soo qariyay gadiidka keena qudaarta, iyadoo la geliyay Suuqyada magaalooyinka Puntland, taasi oo ganacsatada sariflayaasha ah   100-kii Dollar kaga sarifta 5 milyan oo Shilin Soomaali ah.

Talabadaan ayaa sababtey inuu istaago dhamaan ganacsigii gobolada Puntland, iyadoo shaki laga muujiyey lacagaha Soomaaliga ee suuqa ku jira, waxaana dadka badeecadaha haysta diideen iney Shillin Soomaali ku iibiyaan Alaabahooda.

Waxaa kor u kacey maciishada sidoo kale iyadoo ganacsatada kor u qaadeen qiimaha badeecadaha madaama sarifka suuqa noqdey mid aan fadhiyin taasoo saameyn balaaran ku yeelatey guud ah shacabka dagan gobolka gaar ahaan dadka danyarta ah. 

Madaxweyne Gaas oo sheegta inuu yahay dhaqaalayahan, ayaa Xukuumadiisa wali wax go'aan ah kasoo saarin Dhibaatada Dhaqaale ee ka taagan Puntland iyo sidii xal loogu heli lahaa.

Maamulada degmada iyo Saraakiisha amniga Garowe, ayaa la tacaalid arintaan waxay bilabeen iney hanjabaad iyo baqdin galin ku sameeyaan ganacsatada suuqayada, kuwasoo ka faa'ideysanaya siyaasad la'aanta Dowlada.

Taliyaha Ciidamada la dagaalanka argagixisada Puntland Jeneraal Muxyadiin Axmed Muuse ayaa digniin adag u jeediyey ganacsatada, isagoo u sheegay inaan la ogolaan doonin Ganacsade aan shati ganacsi haysan inuu ka shaqeeyo magaalada, waxaana uu intaa ku daray in cidii diida shilinka Soomaaliga ama qiimo ka badan ku sarifta doolarka Xabsiga la dhigi doono islamarkaan ganaax culus la dhuldhigi doono.

Halkan ka dhageyso Jeneraal Muxyadiin oo u hanjabaya Ganacsatada.

GAROWEONLINE

Related Articles

Dowladda Puntland oo dardargelisay la macaamilka Beesha Caalamka

Kulanka ayaa looga hadlay mashaariicda horumarin iyo Kuwa bani’aadantinimo ee ay Puntland ka taageeraan iyo Sidii loo xoojin lah wadashaqeynta.

  • Puntland

    18-04-2024

  • 12:52PM

Puntland oo qaadacdey shirka uu iclaamiyay Xasan Sheekh

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa 21-ka ilaa 22-ka bishan April u mudeeyay in uu qabsoomo shir madaxeedkan.

  • Puntland

    17-04-2024

  • 06:28AM