Jarmalka oo gabi ahaan dib ula noqdey mashruucii lagu dayactirayey Wadada Garowe Galkacayo [ Akhri]

Image

NAIROBI- Kadib markii uu istaagey Mashruuc lagu dayac-tiri lahaa wadada u dhexeysa Garowe iyo Galkacayo gaar ahaan 80km Jidka isku xira tuulooyinka Jalam iyo Xarfo ayaa waxaa warbixin sababta qandaraskaan u istaagey soo saarey safarada dalka Jarmalka ku leeyahay magalada Nairobi wadanka Kenya. 

Dowlada Jarmalka ayaa markii mashruucaan istaagey u dirtey baaritaan si loo ogaadey sababaha hay’adda GIZ u joojisay bixinta lacagtii lagu dhisayey wadada 80KM ee isku xireysa tuulooyinka Jalam iyo Xarfo, nuxurka warsaxafadeed oo lagu qorey bogga safarada Jarmalka ku leeyahay Kenya waxaa uu u qoraa sidatan: 

Wadanka Jarmalka ayaa kamid ah wadamada ugu horeeya ee bixiya Mashriicda lagu hurumarinayo dalka Soomaaliya . Kuwooda ugu macnaha baddana waxay ka socdaan maamulka Puntland. Qorshaha hurumarinta dowlada Jarmalka ay maamulkaas siiso waxaa kamid ah mashaariicda xoojinta caafimaadka, mashaariic lagu hurumarinayo sidii loogu adkeysan lahaa dhibaatooyiinka abaaraha, kor u qaadista dugsiyada farsamada kuwasoo loo yaqaan ( TVET). Dalka Jarmalka ayaa bixinaya Mashruuc dhinaca caafimaadka oo laga hirgalinayo Puntland kaasoo lagu bixiyano lacag gaareysa 30 million dollar.

Waxaa qayb ka ah tageeradaas hurumarineed  ee lagu tageerayo dalka Soomaaliya ayna dowlada Federaalka Jarmalka bixineysay Mashruuc lagu dayactirayo qayb kamid ah jidadka Soomaaliya. Mashruucaan ayaa waxaa gacanta ku haysay hay’adda dowliga ah GIZ “hay’adda hurumarinta” taasoo farsamo ahaan iyo dhaqaale ahaan ka tagaerysay maamulka Puntland sidii JALAM-HARFO oo qayb ka ah dib u hagaajinta wadada dheer ee isku xirta magalada Garowe iyo Galkacayo. Mashruucaan ayaa waxaa dhinaca maamulkaan hirgalintiisa iyo la shaqeynta GIZ qaabilsanaa hay’adda wadooyinka Puntland “PHA”.

GIZ ayaa waxay u xilsaarneyd marka la eego hirgalinta mashruucaan iney kor u qaado heerka ilaalinta shuruucda, maamulka iyo farsamada kaasoo ay siineysey dadka iska leh dhulku shaqada ka socota kuwasoo ah hay’adaha dowlada Puntland.

Mashruuca lagu dayactirayo shaqadaan ayaa loogu talagaley inuu socdo inta u dhexeysa April 2017- May 2018.

Iyadoo bilowgii mashruucaan uu la yimid natiijo rajo fiican abuurtey sanadkii 2016, ayaa hay’adii bixineysay lacagta qandaraska  “GIZ” ayaa waxaa si tartiiib ah u soo xumaadey xiriirka shaqo ay la laheyd hay’adihii Puntland ee lahaa hirgalintiisa. Shaqadaaan socotey waxay gaartey heer ay gabi ahaanba meesha ka baxaan barnaamijkii isla xisaabtanka iyo daahfurnaanta waxayna sababtey iney howshii dhismaha ee socotey istaagto.

Isku day badan oo ay sameysay safarada Jarmalka iyo hay’adda GIZ si loo abuuro bay’ad lagu shaqeyn karo ma noqon kuwa Miro dhala. Sidaa darteed waxaa khasab noqotey in la joojiyo gabi ahaan wada shaqeyntii u dhexeysay GIZ iyo hay’adda wadooyinka Puntland. Dowlada Federaalka Soomaaliya iyo maamulka Puntland waa lagu wargaliyey arinkaan.

Waxaan aad uga xunahay go’aankaan inuu saameyn ku yeelanayo hurumarka dhaqaale ee maamulka Puntland. Waxaan ognahay in  Mashruucii lagu dayactirayey wadada isku xireysa Garowe iyo Galkacayo faai’do badan u lahaa dalka Soomaaliya guud ahaan gaar ahaan nolasha dadka ku nool naha degaanadaas. Sidaa darteed hadaa qayb ka nahay wadamada lacagta ku bixiya hurumarinta dalka Soomaaliya ma balan qaadi karno nidaamka xisaabtanka iyo daahfurnaanta la’aanta jirta lacagta wadamadaas loo isticmaalo mashruucaan .

Safarada Jarmalka waa ka warhaysaa in hay’adaha Puntland ee ku lug lahaa hirgalinta mashruucaan ku eedeeynayaan hay’adda GIZ iney mas’uul ka tahay arimahaan Nasiib darada ah ee dhacey. Waxaan diideynaa eedeymahaa sheegaya in lacagihii loogu talagalay mashruucaan aan la sii deyn waqtigii loogu talagalay iyadoo la jabiyey heshiisyadii la galay. Dhamaan bixinta lacagahaas waxaa shuruud u aheyd bixintooda sida shaqada loo qabto waana la fasaxay kuwii ka baxay ilaalinta shuruucdaas. Nasiib daro inta uu socdey qandaraskaan 14% ayaa la fuliyey shaqadii loo baahnaa iyadoo la eegayo heerka nidaamka lagu heshiiyey hirgalinta dhismaha wadadaan. Waxaan ugu yeereynaa dhinacyada arintaan khuseyso iney joojiyaan eedeymaha taasoo waxyeelo u gaysaneysa xiriirka u dhexeeya Puntland iyo dalalka bixiya lacagaha lagu hurumarinayo maamulkaan.

Waxaan cadeyneynaa in aan si joogta ah u wadeyno taageerada lagu hurumarinayo dalka Soomaaliya guud ahaan gaar ahaan Puntland. Lacagtii loogu talagalay in lagu dhameystiro wadada Jalam iyo Xarfo qayb kamid ah waxaa loo weecin doonaa mashaariicda kale ee ka socota maamulkaan.

Safaarda Jarmalka waxay balan qaadeysaa oo kale in go’aankaan uusan sameyn ku yeelan doonin maahaariicda kale ee socota Puntland. Dowlada Jarmalka waxay rajeyneysaa in la ilaaliya shuruucda lagu hirgalinayo mashriicdaan si ay uga faa’ideystaan shacbaka Reer Puntland.

HALKAAN KA AKHRI qoraalkii safaarada Jarmalka ka soo saartey sababta mashruucaan loo joojieye- Waxaa uu ku qoran yahay afka Ingriiska

 Tarjumaada- GAROWE ONLINE 

Related Articles

Shirweynaha 5-aad ee Golaha Guud ee Ururka Warbaahinta Puntland oo ka furmay Garowe

Madaxwayne ku xigeenka Puntland Ilyaas Cusmaan Lugotoor ayaa daahfuray Shirweynaha oo ay ka qeybgalayaan dhinacyo kala duwan.

  • Puntland

    21-04-2024

  • 11:46AM

Dowladda Puntland oo dardargelisay la macaamilka Beesha Caalamka

Kulanka ayaa looga hadlay mashaariicda horumarin iyo Kuwa bani’aadantinimo ee ay Puntland ka taageeraan iyo Sidii loo xoojin lah wadashaqeynta.

  • Puntland

    18-04-2024

  • 12:52PM