Jawaari oo beeniyey inuu u gafey shacabka Puntland

Image

Axad, Sept 14, 2014 (Garowe Online)- Gudoomiyaha Baarlammaanka Soomaaliya Maxamed Cismaan Jawaari ayaa sheegay in si khaldan loo dhigay hadal uu maalmo kahor goob fagaare ah ka sheegay oo ahaa in dadka kasoo jeeda gobollada Bay iyo Bakool lagu dhibaateeyo Puntland.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari oo khudbaddii ugu dambeysay ee shirka jeediyey ayaa ugu horeyn ka hadlay hadal si qaldan warbaahinta qaarkood u isticmaaleen oo isaga laga sameeyey kaasi oo ku saabsanaa Puntland waxaana uu xusay in hadalkaasi marka koowaad uusan sir aheyn oo uu ka sheegay bishii September 11keeda sanadkii 2013 xiligaasi oo Puntland howlgallo ka socdeen laakiin saxaafadda isticmaashay ayna kala jartey isticmaaleena dhameystirkiisa oo ahaa in Puntland xaq u leedahay sugidda amniga deegaanadeeda, balse dhalinyarada ka tagtay gobolladan ee tagtay Puntland looga baahan yahay iney nabadda ka shaqeeyaan waxaase nasiib daro uu ku tilmaamay in sidaas saxaafadda qaarkood u dhaqanto welibana lagu soo beego marka la maqlay in shir weynahan dib u heshiisiinta uu furmayo.

Sida ka muuqata video si qarsoodi ah looga duubay Jawaari oo la hadlayey odayaal iyo waxgarad kaso jeeda goballada Bay iyo Bakool, wuxuu isagoo hadalkiisa ay qiiro ka muuqatay islamrkaana markii dambe amrey in la damiyo yiri:

"saakadan Puntland ayaa layga soo wacay, dadkii ganacsatada ahaa baabuur shabaqle ah ayaa lagu uruuriyey, way carareen Galmudug bay galeen, telefoonku hadda ayuu iisoo dhacay, yaa ka mas'uul ah?"

Halkan ka daawo muuqaalka:http://www.youtube.com/watch?v=wzH99kZmP1o&list=UUglgANrl74ypR0ihi8K9uMw

Dowladda Puntland ayaa maanta ka hadashay hadalka Jawaari oo ku sheegtey mid nasiib daro ah islamrkaasna aysan jirin dhibaato loo gaysto dadka goboladaas ka yimid.

Puntland oo kamid ah meelaha ugu xasilloon dalka uguna dhaqaalaha iyo ganacsiga fiican, waxaa ka shaqeysta kumannaan ganacsato ah oo kasoo jeeda gobollada Bay iyo Bakool.

Dadkaas si joogto ah ayuu ganacsigoodu horumar u sameeyaa sanadba sanadka ka dambeeya, waxayna suuqyo aad u camiran ku leeyihiin dhammaan magaalooyinka waaweyn ee Puntland, gaar ahaan Bosaso, Garowe, Galkacayo iyo Qardho.

Halkan ka daawo muuqaal ka hadlay nolosha ay dadkaasi Puntalnd ku haystaan:http://www.youtube.com/watch?v=SdXm56C5xLI

GAROWE ONLINE.

Related Articles

Shirweynaha 5-aad ee Golaha Guud ee Ururka Warbaahinta Puntland oo ka furmay Garowe

Madaxwayne ku xigeenka Puntland Ilyaas Cusmaan Lugotoor ayaa daahfuray Shirweynaha oo ay ka qeybgalayaan dhinacyo kala duwan.

  • Puntland

    21-04-2024

  • 11:46AM

Dowladda Puntland oo dardargelisay la macaamilka Beesha Caalamka

Kulanka ayaa looga hadlay mashaariicda horumarin iyo Kuwa bani’aadantinimo ee ay Puntland ka taageeraan iyo Sidii loo xoojin lah wadashaqeynta.

  • Puntland

    18-04-2024

  • 12:52PM