Juxa oo codsi u direy Issimada iyo Culimada Puntland [Warbixin]

Image
TORONTO- Murashax Cabdi Faarax Saciid [Juxa] oo kamid ah xubnaha isku soo taagey doorashadda Puntland ee bisha Janaayo 2019-ka qabsoomeysa ayaa sheegay in la gaarey waqtigii Shacabka Puntland lagala talin lahaa nooca doorasho ee lagu soo dooranayo hogaanka maamulkaan.
 
Puntland oo jirta in ka badan 20-sano ayuu Wasiirkii hore ee Arrimaha Gudaha xukuumada Soomaaliya cod dheer ku qeexay inuu isbedal ku yimid dhaqan siyaasadeedkii lagu yaqiinay, taasi oo uu shaaca ka qaadey inay la yimaadeen siyaasiyiinta haatan hogaanka jooga.
 
Juxa ayaa sheegay in madaxda haatan jirta ay isku deyayaan inay laaluushaan Xilldhibaanadda soo dooraneysa Madaxwaynaha xiga ee Puntland, taasi oo uu si wayn uga digay, isaga oo Isimada ugu baaqay inay ka feejignaadaan arrinkaasi.
 
Culimadda reer Puntland ayuu Murashax Juxa ku tar-tarsiiyey inay bilaabaan olalaha ka dhan ah Kursiga lacagta lagu bixinayo, islamarkaana ay kasoo saaraan fatwa ay ku mamnuucayaan in Xilldhibaanka uu lacag ku raadiyo codkiisa.
 
"Dhaqankeenii wuu isbedalayaa. Isimada waxaan ugu baaqayaa inaanu fiirin Boorso lacag ah, in mustaqbalkooda aysan lacag ku bedalan. Culimada waa inay masaajida ka hadlaan oo ay mamnuucaan in laaluush kagu bixiyo Kursiga," ayuu yiri Murashax Juxa.
 
Juxa oo hadalkiisa sii wata ayaa wuxuu soo bandhigay qorshahiisa isbedal ee uu doonayo inuu fuliyo marka loo doorto Madaxwaynaha Punland, isaga oo ka codsadey Xilldhibaanada inay codkooda siiyaan si buu yiri "usoo saaro Puntland dhaanta mida maanta jirta"
 
Adkeynta Amni, Kobac-dhaqaale, Dowlad-wanaag, Talo wadaaga, Midaynta bulshadda Puntland, Fidinta adeegyadda Bulshadda, sida wax-barashada, caafimaadka, xoojinta Federaalka, Hir-gelinta mashruucyadda socda, Islaxisaabtan, Doorka Qurba Joogta iyo Xorriyadda hadalka ayuu Juxa sheegay inuu adkeynayo.
 
Amniga Puntland mudadii uu jiray maamulka Cabdiwali Gaas oo fashil badan uu hareeyay ayuu Juxa qeexay inay uga degan tahay siyaasad cad, isaga oo afka ku balaariyay inuu u xilsaari doono khuburo arrintaasi wax ka qaban karta.
 
"Aniga khibrad uma lihi, balse, waxaan udhiibi doono dad khabiiro ah, aniga oo hogaanka u qaban doono sidii amaanka Puntland unoqon lahaa mid ka hagaagsan sidii yahay," ayuu yiri Wasiirkii hore Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib u heshiisiinta dowladda Federaalka.
 
Dhaqaalaha oo uu qiray inuu aas-aas u yahay wax kasta, xilli maamulku waqtiga ka dhamaanayo noqdey kii ugu musuq-maasuqa badnaa, ayaa Murashaxaan sheegay inuu hagaajin doono.
 
Juxa ayaa si cad u sheegay in talaabo walba oo uu qaadayo ay noqon doonto mid uu gelinayo talo, isaga oo intaas ku daray inuu ka shaqaynayo sidii shacabka Puntland oo haatan kala shaki fara badan dhex-galey isugu dumi lahaa.
 
"Sidaad ogtihiin shacabka Puntland inkasta oo ay yihiin dad is-jecel hadana waxaa jira kala shaki, waxaan rabaa inaan isku soo dumo oo aan midnimo dhexdooda geliyo," ayuu xusay.
 
Murashaxa oo hadalkiisa sii wata ayaa ku nuux-nuux saday inuu sarre u qaadi doono Fidinta adeegyadda Bulshadda, sida wax-barashada, caafimaadka kuwaasi oo uu tibaaxay inuu gaarsiin doono degaanada kala duwan ee Puntland hoos-yimaadda.
 
Arrinta Federaalka oo uu soo hadal-qaaday ayuu shaaca ka qaaday inuu xoojin doono, wuxuuna hadalkiisa raaciyay inuu ka shaqayn doono sidii loo heli lahaa mashaariicda ay abaabuleen shacabka Puntland, sida wadada Ceel Daahir.
 
- Colaadda Sool -
 
Murashax Juxa ayaa cadeeyay mowqifkiisa colaada goboladda Sool iyo Sanaag, kuwaasi o ay isku haystaan maamualdda Puntland iyo Somaliland, isaga oo maamulka Muuse Biixi ku eedeeyay mas’uuliyadda dagaaladda dib uga soo qarxay.
 
Shacabka ku nool goboladaasi ayuu sheegay inuu u arko inay yihiin dad reer Puntland, balse tabashooyin gaar ah qaba, wuxuuna balanqaadey inuu diyaar u yahay hadii loo doorto Madaxwaynaha Puntland inuu xaliyo wax kasta oo ay ashtako ka qabaan.
 
Madaxwayne Muuse Biixi ayuu tilmaamay inuu gabay kaalintiisa waayo aragnimo ee ka qaadan lahaa xasilinta goboladaan, isaga oo ugu baaqay inuu ciidamadiisa kala baxo degaanadda hoos-yimaada SSC.
 
"Inagu [reer Puntland] nabad baynu rabnaa, nabaddda Sool iyo Sanaag waxay ku jirtaa gacanta Muuse Biixi, waxaana u sheegayaan inuu kala baxo ciidamadiisa, dadka xabada dhafoorka kaga qaad. Sideeba shacabka Puntland waxaan u sheegayaa, way wada doogayaan ama way wada dhiifayaan, Ma jiri doonto dhibaato gaar u ah reer Sool, waxay iyaga qabaan, Puntlandna way la qabeysaa," ayuu ku daray hadalkiisa.
 
Juxa ayaa ka hadlay khibradiisa shaqo isagoo sheegey in dadku dib u eegaan wax-qabadkiisa xiligii oo ahaa Wasiirka waxbarasho ee Puntland iyo arimo gudaha.
 
"Inaan qodobadaan idin sheegay fulinayo waxaa mar-khaati uga dhiganayaa wax-qabadkeygii hore, waayo aniga ma ahi god mugdi ah oo aad gacantiina gelineysaan,  waxaan ahay shaqsi lasoo tijaabiyey, siiba dhanka Federaalka iyo Waxbrashada oo aan wax badan idin kugu soo metalay," ayuu Juxa ku daray hadalkiisa, isaga oo afka ku balaariyay
 
Ugu dambeyn, Juxa oo soo hadal-qaadey dowlada Federaalka ayaa ku dhaliilay qodobo ay kamid tahay Sharciga Jinsiga, gaar ahaan midka qeexaya cida Soomaaliga ah, faragelinta maamuladda iyo dhiibistii Qalbi Dhagax oo uu tibaaxay inuu isaga si wayn uga soo horjeeday.
 
"Ha umaleynina inaan dhaliilayo dowladda, balse waxaan rabaa inaan tilmaamo meesha aan usocono iyo halka aan ka nimid. Balse, waxaan rabaa inaan tilmaamo in Dowladda ay gacmaha la gashay qof-fihii aan kasoo gudubnay," ayuu hadalkiisa kusoo xiray Murashax Juxa.
 
GAROWE ONLINE 

Related Articles

Shirweynaha 5-aad ee Golaha Guud ee Ururka Warbaahinta Puntland oo ka furmay Garowe

Madaxwayne ku xigeenka Puntland Ilyaas Cusmaan Lugotoor ayaa daahfuray Shirweynaha oo ay ka qeybgalayaan dhinacyo kala duwan.

  • Puntland

    21-04-2024

  • 11:46AM

Dowladda Puntland oo dardargelisay la macaamilka Beesha Caalamka

Kulanka ayaa looga hadlay mashaariicda horumarin iyo Kuwa bani’aadantinimo ee ay Puntland ka taageeraan iyo Sidii loo xoojin lah wadashaqeynta.

  • Puntland

    18-04-2024

  • 12:52PM