Juxa oo ka hadlay xaaladda Bosaso iyo 4.5

Image

Wasiirkii hore wasaaradda waxbarashada Puntland Cabdi Farax Siciid "Juxa" ayaa ka hadlay arrimo ku aaddan xaaladda Puntland iyo nidaamka la shaaciyay in lagu salayn doono doorashada dalka ka dhici doonta 2016. 

Juxa oo waraysi gaar ah siiyay Radio Garowe ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay dhibaatada ka taagan magalada Bosaso, wuxuuna soo jeediyay in nabada laga shaqeeyo isagoo ku dhaliilay shakhsiyaadka arrintaasi wada uguna baaqay inay joojiyaan, maadamada sida uu qeexay dhib adag laga soo maray dhismaha iyo hormarka Puntland ka jira. 

Arrinta doorashada dalka Somalia gaar ahaan nidaamka lagu salayn doona dhismaha laba aqal ee Barlamanka iyo Senet-ka ayuu sheegay inaysan sharci ahayn, wuxuuna tilmaamay in habka wax ku qaybsiga beelaha looga soo gudbay hishiisyo dalka ka dhacay islamarkaana uusan qeexayn dastuurka dalka. 

Cabdi Farax oo soo dhaweeyay mowqifka hogaanka Puntland iyo shacabkuba ka istaageen arrinta habka qabaliga ah, ayaa ku baaqay inaan la yeelin 4.5, maadaama sida uu sheegay xal u ahayn umadda Somaliyeed. 

Hogaanka Puntland ayuu xusay in tallaabada hadda qaateen looga baahnaa markii dowladda Somalia sheegtay in waddanka ka dhici karin doorasho qof iyo cod ah, taasoo uu  ku macneeyay in DFS ku fashilantay waxyaabii loo igmaday iyo kamiro-dhalinta hamiga umadda Somaliyeed.

Doorka siyaadda hogaanka Puntland ayuu muujiyay inuu dabacsanyahay marka loo fiiro kaalinta uu ka qaatey arrimaha khuseeya Federalka gaar ahaan doorashada dalka, isagoo wasiirkii hore Juxa tilmaamay in Puntland markasta ahayd hogaanka siyaasadda Somalia, balse hadda qorsha kasata horkacayso Xukuumadda Madaxweyne Xasan Sheekh. 

Qorshaha ku aaddan wufuud la sheegay inay ka imaanayso dowladda Somalia iyo beesha caalamka ayuu ku macneeyay mid aan hadda loo baahnay, wuxuuna madaxda Puntland ku booriyay inay ku dadaalaan ammaanka gudaha iyo qaabkii fursado wadatashi looga samayn lahaa waxyaabaha quseeya doorashada sannadka dhici doonta.

Hadalka wasiirkii  hore waxbarashada Puntland Cabdi Farax Siciid "Juxa", ayaa kusoo beegmay xilli aad loo hadal hayo nidaamka lagu salayn doorashada Somalia ee ay isla qaateen dowladda Federalka, beesha caalamka iyo maamullada dalka marka laga reebo Puntland, waxaana wal-wal laga qabaa in hogaanka sare dabac u muujiyaan wufuudda la saadaaliyay inay imaan doonaan iyadoo aan weli wax wada tashi ah laga samayn masiirka iyo rabitaanka shacabka Puntland ee qaatay deegaanka in wax lagu soo dhiso.

GAROWEONLINE

Related Articles

Shirweynaha 5-aad ee Golaha Guud ee Ururka Warbaahinta Puntland oo ka furmay Garowe

Madaxwayne ku xigeenka Puntland Ilyaas Cusmaan Lugotoor ayaa daahfuray Shirweynaha oo ay ka qeybgalayaan dhinacyo kala duwan.

  • Puntland

    21-04-2024

  • 11:46AM

Dowladda Puntland oo dardargelisay la macaamilka Beesha Caalamka

Kulanka ayaa looga hadlay mashaariicda horumarin iyo Kuwa bani’aadantinimo ee ay Puntland ka taageeraan iyo Sidii loo xoojin lah wadashaqeynta.

  • Puntland

    18-04-2024

  • 12:52PM