Karaash oo dalacsiiyey sarkaal ka tirsan Ciidanka Booliska Puntland

Image

GAROWE, Puntland - Madaxweyne ku xigeenka dowladda Puntland, Axmed Cilmi Cismaan [Karaash] ayaa wuxuu dalacsiiyey sarkaal ka tirsan booliska, sidda ay sheegtay Madaxtooyadda.

Sidda ku xusan digreetadda oo nuqul kamid ah uu helay mareega Garowe Online, Dhamme Bashiir Cismaan Cawed ayaa loo dalacsiiyey derajada Gaashaanle.

Hoos ka akhriso wareegtadda

Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland oo Dalacsiiyey Sarkaal Ka Tirsan Ciidanka Booliska.

Madaxweyne ku-xigeenka Dowladda Puntland, Ahna Ku-simaha Madaxweynaha ayaa Xeer Madaxweyne Lr-19, December 01,2019 ku dalacsiiyey sarkaal ka tirsan ciidanka Booliska Dowladda Puntland.

Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland

Markuu arkay:- Dastuurka Dowladda Puntland
Markuu arkay: Kartidiisa, Aqoontiisa iyo Hawl-karnimadiisa Ciidanimo

Wuxuu Xeeriyey

1. Waxaa Dhamme Bashiir Cismaan Cawed loo dalacsiiyey derajada Gaashaanle

Xeerkani wuxuu dhaqangelayaa markuu Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland, Ahna Ku-simaha Madaxweynaha uu saxiixo, wuuna saxiixay Madaxweyne Ku-xigeenku.

=DHAMMAAD=


Mr Cawed ayaa kamid ah xubnaha ku nool degaanadda maamulkan xubinta ka ah federaalka Soomaaliya ee la nool xanuunka dilaaga ah ee Adis-ka oo maanta xuskiisa lagu qabtay Garowe.

MUUQAALKA CAWED

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland oo Qabanaysa Shir Ku saabsan Dhismaha Dawladnimada Soomaaliya

Madaxweyne Deni ayaa intaa ku daray, “Siyaasiyiintu mararka qaar waxay leeyihiin danahooda gaarka ah.

  • Puntland

    11-12-2025

  • 09:39AM

Puntland Oo Ciidamo Cusub U Daabushay Buuraha Cal-Miskaad

Hawlgalkan, oo markii hore loo qorsheeyay in lagu soo afjaro bisha December ee 2025, ayaa galay marxaladdiisii ugu dambeysay.

  • Puntland

    08-12-2025

  • 11:10AM