Karaash oo dhagax dhigay xafiiska dhallinyarada Karkaar

Image
Image
Image
Image
Image

QARDHO, Puntland - Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa magaalada Qardho ka dhagax Dhigay xafiiska dhallinyarada gobolka Karkaar, kadibna Kormeeray Xerada ciidanka Xorgoble.

Dhagax dhigga xafiiska dhallinyarada ayaa waxaa Madaxweyne Ku-xigeenka ku wehelinaayey maamulka gobolka Karkaar, Kan degmada Qardho, Ku-simaha Guddoomiyaha dhallinyarada gobolkaasi iyo masuuliyiin kale.

Madaxweyne Karaash ayaa tilmaamay in uu ka qayb qaadanayo hirgelinta dhismaha xafiiskaasi, waxa uu xusay in dhallinyarada degmada Qardho haldoor u yihiin dhallinta Puntland.

Sidoo kale Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland ayaa dhallinyarada kula dardaarmay inay ka wada qayb-qaataan dhismaha xafiiska, waxaana uu tilmaamay in isku duubnida dhallinyarada ay horseed u tahay horumarka iyo dhismaha dalka.

Dhinaca kale Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland ayaa faray maamulka gobolka Karkaar inay taageeraan dhallinyarada, si ay ugu niyaadsamaadaan aaminaadda dalkooda, waxaana uu bogaadiyey wadashaqaynta hore ee ka dhexeysey maamulka iyo dhallinyarada Gobolka.

Ugu dambayn, Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa kormeeray xerada ciidanka Xorgoble, taasi oo uu dhowaan Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni dhagax dhigay dhismihiisa oo haatan la dhammaystiray, si tayolena loo qaabeeyey.

Puntland State House

Related Articles

Dowladda Puntland oo dardargelisay la macaamilka Beesha Caalamka

Kulanka ayaa looga hadlay mashaariicda horumarin iyo Kuwa bani’aadantinimo ee ay Puntland ka taageeraan iyo Sidii loo xoojin lah wadashaqeynta.

  • Puntland

    18-04-2024

  • 12:52PM

Puntland oo qaadacdey shirka uu iclaamiyay Xasan Sheekh

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa 21-ka ilaa 22-ka bishan April u mudeeyay in uu qabsoomo shir madaxeedkan.

  • Puntland

    17-04-2024

  • 06:28AM