Karaash oo dhagax dhigay xarunta hay'adda Garsoorka Puntland

Image
Image
Image
Image
Image

GAROWE, Puntland - Ku-simaha Madaxweynaha Dowladda Puntland, Ahna Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa dhagax dhigay xarunta hay'adda Garsoorka Puntland.

Munaasabadda dhaggax dhigga dhismahan cusub waxaa Madaxweyne Ku-xigeenka kala qeyb-galay xeer ilaaliyaha Guud ee DFS, Guddoomiyaha Maxkamada Sare ee Dowladda Puntland, Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda, Dastuurka iyo Arrimaha Diinta, taliyaha ciidanka Booliska Puntland, Masuuliyiin ka tirsan labada aqalka ee Baarlamaanka DFS, Agaaasime Ku-xigeenka Madaxtooyada Puntland, saraakiil ka tirsan hay’addaha Garsoorka Puntland, taliyaha ciidanka Madaxtooyada iyo masuuliyiin kale.

Madaxweyne ku-xigeenka Dowladda Puntland ayaa sheegey in Puntland ay ka go'an tahay in la helo xarumo garsoor oo ku haboon Shaqada ay bulshada u hayaan, kuwaasi oo leh tayo iyo shaqo wanaagba, waxaana dhismahan cusub fulintiisaleh Dowladda Puntland.

Ku-simaha Madaxweynaha Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa u mahadceliyey cidkasta oo dadaal ku bixisay in la hirgeliyo, lana-helo xaruntan hay'adda Garsoorka Puntland, taasi oo muhiim u ah Dowladnimada.

Madaxtooyadda Puntland

Related Articles

Ciidamada Puntland oo weeraray goob uu ku sugan yahay ku-xigeenka Hogaamiyaha Daacish

Wararka ayaa intaasi ku soo beegmaya iyadoo ciidamada Puntland ay si weyn uga go’an tahay in ay burburiso xarumaha muhiimka ah.

  • Puntland

    13-10-2025

  • 12:45PM

Ciidamada Puntland oo Guulo Weyn Ka Gaaray dagaalka Buuraleyda Cal-Miskaad

Hawlgalka ayaa sidoo kale lagu helay meydadka dagaalyahanno la rumeysan yahay in lagu dilay duqeymo uu qaaday AFRICOM.

  • Puntland

    06-10-2025

  • 01:11PM