Karaash oo ka warbixiyey socdaalkiisa Jabuuti iyo Imaaraadka

Image
Image
Image
Image
Image
Image
Image

BOOSAASO, Puntland - Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland, Axmed Cilmi Cismaan Karaash iyo wefti balaadhan oo uu hogaaminayo ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay, kana soo degey xarunta ganacsiga Puntland ee Boosaaso, kadib safar shaqo oo ay ugu maqnaayeen dalalka Jabuuti iyo Imaaraadka.

Weftiga Madaxweynaha ayaa waxaa Garoonka diyaaradaha Boosaaso si diiran ugu soo dhoweeyey Guddoonka gobolka Bari, kan degmada Boosaaso, masuuliyiin ka tirsan Goleyaasha Dowladda Puntland, Taliyaha qaybta gobolka, saraakiil ciidan siyaasiyiin, oday dhaqameedyo, waxgarad iyo shacabka magaaladaasi oo qayb ka ahaa soo dhoweynta weftiga.

Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa ugu horayn ka mahadnaqay soo dhoweynta isaga iyo weftigiisa, waxaana uu ka warbixiyey safarkiisa shaqo ee qaatay 15 cisho, kaasi oo uu ku horeeyey dalka Jabuuti oo uu kala qayb galay malinta xuriyadda dalkaasi Juun, 27, 2019.

"Aad bay farxad iigu tahay inaan Boosaaso maanta si rasmi ah uga soo degno aniga iyo weftigaygu, qorshaha waa iigu jirtey inaan halkan imaado, waxaa jirey safar shaqo oo aan hore ugu imi gobolka, lakiin rasmi muusan ahayn waxaan salaantii iyo ujeedkayagii shaqo idiin soo faray Guddoonka gobolka iyo degmada. Waxaan u mahadcelinayaa shacabka Boosaaso oo ay ugu horeeyaan Guddoomiyaha gobolka, kan degmada iyo cid kasta oo nasoo dhoweysey waa Alle mahaddiis".

"Aniga iyo wefti aan hogaaminayey waxaanu safar shaqo ku tagnay dalalka Jabuuti iyo Imaaraadka. Jabuuti waxaanu kala qayb galay xuskii maalintooda xuriyadda oo ahayd Juun, 27, 2019, aad iyo aad bay noosoo dhoweeyeen, si dowladdnimo leh ayay noo qaabileen, intii aanu joogneyna kulamo badan baanu yeelanay, abaal ayay inagu leeyihiin, waxaa tusaale u ah hiil Walaal," ayuu yiri

Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland ayaa intaasi raaciyey: "Safarka kaas noogu xigey wuxuu ahaa Imaaraadka, waxaanu ku kulanay Jaaliyadda dalkaasi ee reer Puntland ee u badan Ganacsatada. Alle mahaddii safaradaasi waxay noogu soo dhammaadeen Guul."

Ugu dambayn, Madaweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa inta uu ku sugan yahay xarunta ganacsiga Puntland ee Boosaaso, waxa uu kulamo muhiim ah la qaadan doona masuuliyiinta dowladda, isimada, nabadoonada iyo qaybaha kale ee bulshada magaaladaasi.

MUUQAALKA

Puntland State House

Related Articles

Puntland oo martigelisay shirka la qeybsiga saameynta isbedelka cimilada

Kulankan ayaa qeyb ka ah mashruuca ay iska kaashanayaan Wasaaradda Deegaanka Soomaaliya iyo Hay’adda UNCDF.

  • Puntland

    08-05-2024

  • 09:32AM

Puntland oo qabatay Maraakiib waday kalluumeysi sharci darro ah

Doonyo, laashash iyo shaqaalahoodii ayaa kamid ah waxyaabaha kale ee gacanta lagu soo dhigay.

  • Puntland

    08-05-2024

  • 08:06AM