Karaash oo magacaabey guddiga gurmadka fatahaadaha Roobka

Image

GAROWE, Puntland - Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland, Ahna kusimaha Madaxweynaha Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa magacaabay Guddiga Gurmadka Fatahaadaha Rooobka.

Guddiga gurmadka fatahaadaha Roobka ayaa loo xilsaaray in ay soo qiimeeyaan, isla markaasna warbixino ka soo diyaariyaan baaxadda waxyeelo ee fatahaadaha roobka, ayna wax ka qabtaan waxyeelada ay u geysteen daadadku dadka, xoolaha, wadooyinka, deegaanka iyo saamaynta ay ku reebeen roobabkii ka da’ayey guud ahaan deegaanada Puntland.

Sidoo kale Guddiga gurmadka fatahaadaha Roobka ayaa ka kooban Wasaarado, Hay'addo dowliya, Guddoomiyayaal Gobol iyo Taliska ciidanka Booliska Puntland, waxaana ay leeyihiin Guddoomiye, Guddoomiye Ku-xigeen iyo Xoghayn.

Guddiga ayaa kala ah: -

1. Wasaaradda Arrimaha Gudaha
Guddoomiye

2. Wasaaradda Hawlaha Guud
G/Ku Xigeen

3.Wasaaradda Tamarta, Macdanta iyo Biyaha
Xubin

4. Wasaaradda Maaliyadda
Xubin

5. Wasaaradda Ganacsiga
Xubin

6.Wasaaradda Xanaanada Xoolaha
Xubin

7.Wasaaradda Deegaanka
Xubin

8.Wasaaradda Caafimaadka
Xubin

9.Wasaaradda Qorshaynta
Xubin

10.Madaxtooyada
Xubin

11.Taliska Ciidanka Booliska
Xubin

12. Hay’adda HADMA
Xoghayn

13.Hay’adda PHA
Xubin

14.Guddoomiyayaasha Gobolada
Xubin

Ugu dambayn, Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland, Ahna kusimaha Madaxweynaha Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa ku wargeliyey cid kasta oo hawshani khuseyso inay kala shaqeeyaan gurdiga, isla markaasna u fududeeyaan wixii hawl ah ee ay u baahdaan, si ay ugu fududaato hawsha loo igmaday.

Puntland State House

Related Articles

Wasiirka Warfaafinta Puntland oo Si Adag Uga Hadlay Doorka Turkiga ee Soomaaliya

Dirir ayaa sheegay in hawlgalka Turkey uu ku saleysan yahay dan gaar ah, musuqmaasuq, iyo ka faa’iideysi.

  • Puntland

    23-12-2025

  • 09:15AM

Sababta Dowladda Puntland Uga Baahan Tahay Inay La Shaqeyso Warbaahinta Madaxa-Bannaan

Puntland waxay la macaamishaa saaxiibo caalami ah, hay’ado deeq-bixiyeyaal ah…

  • Puntland

    17-12-2025

  • 07:29PM