Khaliif Mudan "Gaas waxaa lagu wareejiyey ciidan dhisan oo xoog leh"

Image

May 30, 2015 (GO)- Wasiirkii hore ee Wasaaradda Amniga Puntland Khaliif Ciise Mudan ayaa ka  jawaabey hadal dhowaan kasoo yeeray Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali, kasoo ahaa in markii u xilka la wareegey Puntland lahayn ciidamo sugi kara ammaanka iyo weliba in uusan jirin hal askari oo boolis ah oo ku hawl gala hub ay dowladdu leedahay.

Khaliif Ciise oo xilligan ku sugan magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya ayaa sheegay in hadalkaasi yahay mid xaqiiqada ka fog islamarkaana gef ku ah ciidamada qalabka sida ee Puntland una horseedi kara niyad-jab.

Wasiirkii hore ee Wasaaradda Amniga Puntland ayaa sidoo kale sheegay in dowladdii uu hoggaaminayey Madaxweyne Farole wareejisey ciidamo dhisan, tababar fiican qaba qalabkooduna u dhameystiran yahay. Halkan ka daawo Madaxweyne Gaas oo hadlaya YOUTUBE

"Madaxweyne Gaas xafladdii xil-wareejinta wuxuu ka qirey in lagu wreejiyey dowlad dhameystiran iyo ciidan dhisan...ma ahan inuu hadda sidaas dhaho oo ciidanka niyadda ka jibiyo" Mudan ayaa sidaas yiri.

Mar la weydiiyey sida uu arko xaaladda amniga Puntland ee xilligan, wuxuu sheegay inay wanaagsan tahay balse ay jiraan dhaliilo yar yar oo ay ugu horreyso wada-shaqeyn la'aanta hay'adaha kala duwan ee amniga.

Ugu dambeyntii wuxuu ugu baaqay dadka reer Puntland inay midnimadooda ilaashadaan, isagoo Madaxweynahana si gaar ah ugula dardaarmey inuu ka taxadaro hadallada niyad jabka ku beeri kara ciidamada Puntland ee had iyo goor u taagan difaaca iyo sugidda amniga deegaanada Puntland.

Madaxweyne Gaas ayaa waraysi uu dhowr maalmood kahor siiyey telefishinka ku hadla afka dowladda ee PLTV, wuxuu ku sheegay  in markii u xilka la wareegey Puntland lahayn ciidamo sugi kara ammaanka iyo weliba in uusan jirin hal askari oo boolis ah oo ku hawl gala hub ay dowladdu leedahay.

Waxaa xusid mudan, in Cabdiweli Gaas xafladdii uu xilka kagala wareegayey madaxweynihii hore ee Puntland ka sheegay in lagu wareejiyey dowlad dhameystiran, ciidan dhisan iyo weliba dukumiintiyadii dowladda oo buuxa.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Geerida Xaawo Aadan Cameey: Haldoor taariikh ku reebtay waxbarashada gabdhaha Soomaaliya

Marxuumad Xaawo waxay ahayd aasaasihii iyo agaasimihii Xarunta Waxbarashada Gaalkacyo…

  • Puntland

    14-09-2026

  • 10:12AM

Burcad-badeeda oo sii daayay markab iyo 17 shaqaale ah kadib bixinta madax-furasho

Waxaa ka mid ahaa laba dooni oo kalluumeysi oo laga leeyahay Iran iyo markabka MV Lutuf, oo ka babanayay calanka Cameroon.

  • Puntland

    13-09-2026

  • 06:52AM