Khasaaraha maaliyadeed ee daadadkii Qardho oo lasoo bandhigay

Image

GAROWE, Puntland – Daadadkii dhowaan kusoo rogmaday magaaladda Qardho ayaa sababay khasaaro maaliyadeed oo gaaraya 40 milyan oo Doolar, sidda uu ku dhawaaqay madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni.

Fatahaadaha ayaa waxay ka dhasheen roobab mahiigan oo muddo saacado ah ka da'ay xarunta gobolka Karkaar ee bariga Soomaaliya.

Deni oo tan iyo markii ay dhacday dhibaatadaas ku sugan degmadda isagoo ay wehliyaan wasiiro ka tirsan xukuumadda ayaa caddeeyay in khasaaraha maaliyadda lagu ogaadey qiimeyn la sameeyay.

Qiimeyntaas waxaa sameeyay guddiga gurmadka Qardho, sidda uu wariyeyaasha u sheegay madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni.

"Qiimeynta guud ee lagu sameeyay dhibaatooyinka daadadku geysteen oo ah; guryo dumay, hanti burburtay, degaan baaba'ay, iyo dad dhintay, intaba marka la qiimeeyay waxaa kasoo baxay khasaaro maaliyadeed oo warbixinta ay kusoo koobtay in qiimeynta guud ay tahay illaa iyo 40 milyan in ay halkaas burbur dhaqaale iyo mid kale oo ganacsi uu kasoo gaarey," ayuu ka sheegay shir jaraa'id oo Sabtida maanta ah uu ku qabtay gudaha Qardho.

Dhanka kale, Deni oo xaqiijiyey in uu socoto dhaqaale uruurinta gurmadka Qardho ayaa cod dheer ku tibaaxay in illaa iyo haatan ay soo gaareen in ka badan 1.6 milyan oo ah Doolar-ka Mareykanka.

Qardho ayuu ka dhawaajiyay in ay haatan ka baxdey xaaladii deg-dega ahayd isla markaana xukuumadiisu ka shaqeyneyso sidii dib-u-dejin loogu sameyn lahaa qoysaska dhibaatadu saameynta kasoo gaartay.

Sidoo kale, wuxuu caddeeyay in ay socoto daraasad xal waara looga gaarayo in aysan magaalada dib dambe uga dhicin fatahaad isla markaana ay la kaashan doonan dowladda federaalka iyo caalamka.

Wadahadalo dhanka internet-ka ah ayuu ka shan-qariyey in ay la leeyihiin deeq-bixiyeyaasha isla markaana ay u bandhigi doonan xogta Qardho.

Lix qof oo saddex kamid ah ay caruur ahaayeen ayna wehliyaan – laba rag iyo dumar – ayaa ku dhintay daadadka ku dhuftay Qardho, waxaana laga soo badbaadiyey tobanaan kale, iyaddoo gurmadka uu wali socdo.

MUUQAALKA DENI

GAROWE ONLINE

Related Articles

Shirweynaha 5-aad ee Golaha Guud ee Ururka Warbaahinta Puntland oo ka furmay Garowe

Madaxwayne ku xigeenka Puntland Ilyaas Cusmaan Lugotoor ayaa daahfuray Shirweynaha oo ay ka qeybgalayaan dhinacyo kala duwan.

  • Puntland

    21-04-2024

  • 11:46AM

Dowladda Puntland oo dardargelisay la macaamilka Beesha Caalamka

Kulanka ayaa looga hadlay mashaariicda horumarin iyo Kuwa bani’aadantinimo ee ay Puntland ka taageeraan iyo Sidii loo xoojin lah wadashaqeynta.

  • Puntland

    18-04-2024

  • 12:52PM