Khasaaro ka dhashay Dooni badeeco u sidday Boosaaso oo degtay

Image

BOOSAASO, Puntland – Dooni lagu magacaabo Cabdikariin oo laga leeyahay Hindiya taasi oo badeeco u soo sidday Boosaaso ayaa ku degtay meel ku dhow dekadda Salala ee waddanka Cuman.

Ku dhowaad kun tan oo badeeco ah ayaa saarnaa doonidan. Balse waxaa la sheegayaa in ay kaliya ka badbaadeen tobban ruux oo shaqaale ka ahaa, taas oo ka dhigan in lagu waayay hanti badan.

Faysal Maxamuud Ibraahim oo wakiil ka ahaa doonidan ayaa waxa uu tibaaxay in ay Doonta degtay marqibnimadii Isniintii xili ay kasoo shareecatay marsada ku taala koonfurta dalka Carbeed.

Shixnadda ayaa waxay isugu jirtay Raashiinka noocyadiisa kala duwan iyo Bagaash, sida uu ka dhawaajiyey Faysal. Howlwadeenadan waxay gabigooda u dhasheen India.

"Doonidan oo sidday 950-tan kuna soo jeeday Boosaaso ayaa Cuman kasoo baxday casirkii, waxayna degtay lixdii galabnimo," ayuu u sheegay idaacadda VOA-da laanteeda afka Soomaaliga.

Ma cadda sababta keentay in ay degto Doonta, balse Ibraahim, oo ganacsade ah, ma uusan ka bixin tafaasiil dheeraad ah oo ku saabsan arrintaas.

Bishii August ee sanadkan ayay ahayd markii Bad-weynta Hindiya ay ku degeen labada Doon oo badeeco u sidday Boosaaso. Doonidaas ayaa ka yimid waddanka isku taga Imaaraadka Carabta.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Markab Ganacsi oo Dab Qabsaday isagoo Kusoo jeeda Boosaaso, Puntland

Warbixinno dheeraad ah ayaa muujinaya in markabkan uu leeyahay shirkad lagu magacaabo HRM and Sons.

  • Puntland

    23-09-2025

  • 09:46AM

Lugatoor: Soomaaliya Halis ayay ugu Jirtaa Inay Ku Laabato Dowlad La’aan Haddii Federaalka La Ilaalin Waayo

Khilaafka u dhaxeeya Puntland iyo dowladda federaalka ah ayaa gaaray meel sare bishii Maarso 2024.

  • Puntland

    22-09-2025

  • 02:08PM