Khasaaro ka dhashay qarax ka dhacay magaaladda Boosaaso

Image

BOOSAASO, Puntland – Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax caawa fiidkii ka dhacay Boosaaso, xarunta gobolka Bari ahna caasimada ganacsiga dowladda Puntland ee Soomaaliyeed.

Sidda ay goobjoogeyaal khadka telefoonka ugu sheegeen warsidaha Garowe Online, weerarka oo ka dhacay agagagaarka huteel Naqiil waxaa lagu beegsaday gaari ay la socdeen ciidamo.

Inta la xaqiijiyey lix qof oo shacab ah iyo hal askari ayaa ku dhaawacmay falkaas, aysan jirin koox sheegatay. Bukaanada waxaa xaaladooda caafimaad lagula tacaalayaa Isbitaalka guud.

"Gaari Cabdi-Bilaha ah oo ciidamo la socdeen ayaa lagu tuuray bam-gacmeed xili uu marayey meel dad ku badan yihiin," ayuu yiri wariye madax banaan oo u waramay bogga GO.

Wuxuu raaciyey: "Gaariga xiligaas wuxuu ku socday xawaare sarre. Waxay u muuqaneysaa in meel luuq ah looga soo tuuray bambadda. Falka kadib, baaritaano ayaa bilowday".

Illaa iyo haatan, ma jiro warbixin ay hay'addaha ammaanka kasoo saareen dhacdadaas oo timid xili magaalada ay ku jirto bandow habeenkii oo loo geliyey ka hortagga Coronavirus.

Inta badan ururada Al-Shabaab iyo Daacish ayaa dusha saarta falalka liddiga ku ah ammaanka ee ka dhaca magaaladda Boosaaso. Dhacdadaan waxay imaaneysaa xili askarta la geliyey heegan sarre.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Shirweynaha 5-aad ee Golaha Guud ee Ururka Warbaahinta Puntland oo ka furmay Garowe

Madaxwayne ku xigeenka Puntland Ilyaas Cusmaan Lugotoor ayaa daahfuray Shirweynaha oo ay ka qeybgalayaan dhinacyo kala duwan.

  • Puntland

    21-04-2024

  • 11:46AM

Dowladda Puntland oo dardargelisay la macaamilka Beesha Caalamka

Kulanka ayaa looga hadlay mashaariicda horumarin iyo Kuwa bani’aadantinimo ee ay Puntland ka taageeraan iyo Sidii loo xoojin lah wadashaqeynta.

  • Puntland

    18-04-2024

  • 12:52PM