Khasaaro ka dhashay roobab dabaylo wata oo ka da'ay Puntland

Image

GAROWE, Puntland – Ugu yaraan shan kalluumeysato Yemeni ah ayaa waxaa la xaqiijiyey in ay ku naf-waayeen roobab dabaylo wata oo saacadihii lasoo dhaafay ka da'ay degaanada xeebta ku teedsan ee dowladda Puntland.

Kalluumeysata ayaa meydkooda laga helay degmadda Xaafuun, sidda ay khadka telefoonka warsidaha Garowe Online ugu sheegeen dadka degaanka.

Sidda ay sheegayaan warar madax-banaan, laasash iyo samiixado ay lahaayeen doonyo kalluumeysato ayaa si lamid ah ku burburay roobabta mahiigaanka ah, waana qayb kamid ah khasaaro maaliyadeed.

Isgarsiinta Xaafuun ayaa hawada ka maqan, waana mid kamid ah saameynta ka dhalatay roobabka. Shirkaddaha isgaarsiinta Golis iyo Somtel waxay xaqiijiyeen in xarumahooda degmaddan aysan shaqo ka socon.

Dhanka kale, degaanka Hurdiya oo roobabka dabaylaha watay ku da'een ayaa laga soo sheegay khasaaro maaliyadeed si gaar ah burburka guryo dad shacab ah. Illaa haatan, lama soo warin waxyeelo nafeed – geer iyo dhaawac.

Mas'uuliyiintan degaanada ay roobabka ku da'een ayaa shaaca ka dhigay in ay ka shaqeynayaa sidii gurmad u heli lahaayeen dadka saameynta ay gaartey, iyagoo u tacsiyeeyay qoysaska iyo ehelka ajaaniinta geeriyootay.

Rayidka ayay ku booriyeen in ay ka fogaadaan degaanada xeebaha ku teedsan, halka kalluumeysatadana ay ku waaniyeen in aysan jilaabasho doonan maadaama la saadaalinayo roobab dabaylo wata in ay soo wajahan yihiin.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Puntland iyo Sweden oo ka shiray iskaashiga ka dhaxeeya

Kulankan ku qabsoomay aaladda fogaan aragga ah ayaa xoogga lagu saaray qodobo ay kamid yihiin dardargelinta nidaamka Dimuqraadiyadda.

  • Puntland

    22-01-2021

  • 06:14PM

Shirweynaha ururka warbaahinta Puntland oo la mudeeyay

War-saxaafadeed kasoo baxay MAP ayaa lagu fahfaahiyey qaabka uu u qabsoomi doono shirweynaha afaraad.

  • Puntland

    21-01-2021

  • 05:44AM