Khilaaf hareeyey xulista golaha degaanka degmada Garoowe, maxaa sababey?

Image

GAROWE (GO) - Waxaa dib u dhac ku yimid xulista golaha degaanka degmada Garowe kadib markii khilaaf hareeyey qaar ka tirsan beelaha laga sugayey iney qaybsadaan xildhibaanadaan kuwasoo ka leexdey nidaamkii sharciga ahaa ee dowladaha hoose iyo midkii dhaqanka.

Beesha Muuse Ciise "Ciise Maxamud" ayaa inta badan khilaafkaan ka dhex taagan yahay kuwasoo markii ay ku heshiin waayeen qaar ka tirsan xubnihii xulista golaha degaanka, Islaan Ciise Islaan Maxamad guddiyo u xilsaarey ka madax banaan beelahaas iney go'aan kasoo gaaraan is-mari-waagaan balse sida GO ogaadey dadaaladaan ayaa waxay ku soo dhamaadeen is-afgaran waa iyo muranka oo cirka isku sii shareeray.

Agaasimaha guud ee Wasaarada arimaha gudaha Puntland oo wareysi siiyey Radio Garowe ayaa sheegey in xildhibaanada golaha degaanka soo xulistoodu qaar dhiman yahiin iyadoo 27-kii xubnood ee laga rabey aysan weli 9 kamid ah gacanta beelaha ku jiraan.

Jubba ayaa sheegey in xitaa xubnaha lasoo gudbiyey ku jiraan kuwo laysku khilaafsan yahay kuwasoo la filayo in guddiga xalinta khilafaadka ee Wasaarada arimaha gudaha soo magacowdey la horkeeni doono.

" Xubnaha la soo gudbiyey qaar ayaa ka badan intii laga rabey beelaha qaarkood, marka waxaan rabnaa in aan wax ka waydiino odaaysha saxiixa ku leh, odayaasha ayaa kala sheegaya cidda saxda ah iney ka mid noqoto golahaan." ayuu ku jawaabey agaasime Jubba mar la waydiiyey kuwa gacanta ay ku hayaan khilaafka ka dhex jira.

Agaasimaha ayaa sheegey in sharciga Law No7 ay ku qoran tahay in Nabdoonadu soo gudbiyaan xubnaha golaha degaanka uga mid noqonaya beelaha isagoo xusey in cidda xaqa u leh iyaga la wareysto.

"Wasaarada doorkeedu waxaa uu yahay iney dhameystirto xubnaha golaha degaanka, warkaasu ma aha mid sax ah, doorkeedu waxaa uu yahay cidda la soo gudbiyey shuruudaha loogu talagalay  iney waafaqsan tahay iyo in kale, hadii ay hesho kuwa aan wafaqsaneyn sharciga, waxay dib ugu celineysaa odey dhaqameedka soo gudbiyey xubintaas sharciguna taas ayuu qorayaa." ayuu yiri agaasime Jubba mar uu ka jawaabayey su'aal ah faragalinta lagu eedeeyo Wasaarada marka la xulayo xubnaha golaha degaanka.

Doorka Nabdoonada ee xulista golaha degaanka

Nabadoonada beelaha ayaa shaqadooda waxay tahay iney xulaan xubinta beeshaas uga mid noqonaya/noqoneysa golaha degaanka iyagoo waafajinaya sida sharciga Law N0 7 qabo kadibna waxay u gudbiyaan guddiga khilaafaadka dowlada kuwasoo marinaya nidaamka uu qabo Law No7.

Hadii khilaaf yimaado ama beeshu ku heshiisn waydo xubinta kamid noqoneysa golaha degaanka waxay u gudbinayaan guddiga khilaafaadka iyagoo eegaya Naboodoonka beesha oo leh go'aanka ugu dambeeya ee soo xulista xubintaan.

khilaafkaan laga gaaraa inta badan hadii guddiga xalinta khilaafaadka uu musuqmaasuq ka madax-banaan yahay ama uusan faragalin siyaasdeed wadin, hadii taasi dhacdo waxaa imaan kara in beeshaas dacwo u gudbiso hay'adaha sharciga,

Sida horey dhaqanka Soomaalida ugu jiri jirtey gaar ahaan degaanada Puntland Nabdoonada beelahu waxay saameyn balaaran ku lahaan jireen go'aanka Issinka guud ee beeshaas isagoo talo-ka waydiiya Nabadoonada go'aanka saameynta ku leh beelaha ay matalaan. Sida dadka taariikhda dhaqanka la socda u sheegeen warsidahaan ayaa waxaa hadda meesha ka baxey wada-shaqeyntii dhinacayadaan dhaqanka u dhexeysay taasoo saameyn balaaran ku yeelatey midnimadii beelaha dhexdooda.

Dhinaca kale Isbadalaan jira waxaa qayb ka qaatey beelaha qaarkood kuwasoo soo xusha mararka qaarkood Nabdoono aan buuxin karin kaalinta looga baahnaa ama mararka qaarkood laysku khilaafsan yahay soo magacaabistooda, taasoo keenta in issinka guud ee beeshaas ku kaliyeysto go'aanada masiiriga ah.

Puntland ayaa nidaamka beelaha ku soo dooraneysay 20-kii sano ee ugu dambeeyey golayaasha degaanka iyo xildhibanada Barlamanka dowlada dhexe taasoo niyad jab weyn ku keentey inta badan shacabka ku nool maamulkaan.

Nidaamka qabiilka ayaa waxaa uu meesha ka saaray in xilka loo soo xulsho qofkii u qalmay iyadoo beelaha intooda badan keenaan shaqsiyaad aan gabi ahaanba ka bixi karin shaqadii loo soo igmadey taasoo ku dambeysa fashil..

Golayaasha degaanka Puntland oo mudadoodu tahay Shan sano ayaa inta badan waqtigooda dhameysan taasoo sababta ugu weyn tahay dadka kamid noqonaya oo ku yimid hab qaybsi qabiil.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Booliska Puntland oo lagala hadlay ka hortaaga xaalufinta deegaanka

Isku xirnaanta Wasaaradda Degaanka iyo Isbedelka Cimilada iyo Hogaanka Booliska ayaa sidoo kale looga hadlay shirkan.

  • Puntland

    27-03-2024

  • 04:28AM

Qardho: Mashruuc horseeday jarista dhir baaxad leh oo laga digay

Wasaaradda deegaanka iyo Isbedelka Cimiladda ee Puntland ayaa ku baaqdey in degdeg loo joojiyo jarista dhirtan.

  • Puntland

    26-03-2024

  • 01:41PM