Khilaaf u dhexeeya madaxweyne Gaas iyo ku-xigeenka Puntland

Image

22 October,2015 (GO)- Wararka warsidaha Garowe Online ka helayo ilo ku dhow madaxweynaha Puntland iyo ku-xigeenkiisa Cabdixakiin Cabdulahi Cumar (Camey) ayaa sheegaya inuu jiro khilaaf siyaasdeed ee u dhexeeya labada mas'uul.

Wararkaan ayaa xusaya in madaxweyne ku-xigeenka Puntland saluugsan yahay qaabka shaqo ee madaxweynaha Puntland iyo iyadoo meesha ka maqan tahay iney ku dhaqmaan qodobada dastuuriga ah ee kala hagaya shaqada labada mas'uul.

Cabdixakiim Cabdulahi Cumar ayaa ilo ku dhow sheegayaan inuu aad ugu xun yahay in madaxweyne Gaas gabi ahaanba wax wadatashi ah uusan kala sameyn go'aamada muhiimka ah ee lagu hagayo siyaasada Puntland.

Madaxweyne ku-xigeenka ayaa talo wadaag ka aheyn gabi ahaan arimaha dhaqaalaha, kulamada Federaalka iyo wufuuda raaceysa madaxweynaha Puntland, maaliyada dalka iyo isagoo xalin karin gabi ahaanba dhibaatooyinka shacabka ka cabanayaan sida mushahar la'aanta baahsan ee ka jirta dalka.

Dhinaca kale madaxweyne ku-xigeenka Puntland ayaa aaminsan in awoodihiisa dastuuriga ah uusan fulin karin marka uu madaxweyne Gaas ka maqan yahay Puntland.

Labada mas'uul ee u sareeya Puntland ayaa horey waxaa u soo dhexmarey khilaafyo nocaan oo kala iyadoo ay xaliyeen dhinacyada ku siyaasad ahaan labadooda.

GAROWEONLINE

Related Articles

Shacabka Garowe oo loogu baaqay ilaalinta kanaalada biyuhu maraan

Howlgalka xalay ayaa laga sameeyay waddada laamiga ah ee Globol iyo waddada Sagal.

  • Puntland

    16-04-2024

  • 05:26AM

Puntland oo kalitalisnimo ku eedeysay madaxda federaalka

Madaxweyne Ku-Xigeenka dowladda Puntland ayaa si kulul uga hadlay hanaanka dowladnimo ee Soomaaliya,

  • Puntland

    15-04-2024

  • 11:33AM