khilaafka u dhexeeya Gaas iyo Cameey saameyn ma ku yeelan karaa Guddiga khilaafaadka?

Image

GAROWE- Madaxweynaha Puntland ee waqtigiisu dhamaadka yahay oo la filayo in maalmaha soo socda magacaabo Guddiga xalinta khilaafaadka xulashada Barlamanka ayaa sida xoggo lagu kalsoon yahay xusayaan waxaa isku khilaafi doona ku xigeenkiisa Cabdixakiim Cameey.

Guddiga xalinta Khilafaadka oo magacaabistiisu dhaqan ahaan Madaxweynahu kala tashado ku xigeenkiisa, qaybaha kala duwan bulshada iyo musharaxiinta ayaa sida wararka lagu helayo labada mas’uul ee ugu sareeyey maamulka Puntland Shantii sano ee lasoo dhaafey ayaa gabi ahaanba waxaa xiriirkooda shaqo go’naa Mudooyinkii ugu dambeeyey.

Talaabadaan oo ugub ku ah siyaasada Puntland ayaa sida warsidaha GO fahansan yahay waxaa la filayaa iney khilaaf xoogan ka dhex-abuurto labadaan mas’uul taasoo khatar galin karta habsami u socodka xulshada xubnaha Barlamanka.

Cabdiweli Cali Gaas iyo ku xugeenkiisa oo mudadii ay maamulkaan gacanta ku hayeen dhibatooyin badan oo maamul xumo sabab u tahay ka dhaceen Puntland ayaa khilaafkooda salka ku hayaa wadatashi la’aan.

Khilaafkan oo salka ku haya intiisa badan mid maaliyadeed ayaa markii dambe waxaa ku lug yeeshey Dowlada Federaalka Soomaaliya. Ku xigeenka Puntland ayaa tageerey aragtida Villa Somalia ee ku aadan khilaafka madaxda maamulada iyo Dowlada Dhexe ee Muqdisho kaasoo cirka isku shareerey bilihii ugu dambeeyey.

Madaxweyne ku xigeenka Puntland wareysi uu dhowaan siiyey SBS TV ayaa ku sheegey inuusan jirin khilaaf u dhexeeya dowlada Federaalka iyo maamulada, hadana aysan macno sameyneyn in la dhexdhexaadiyo labada dhinac madaama madaxda dowadaha xubnaha ka ah nidaamka Federaalka ee Soomaaliya meesha ka baxayaan intooda badan bilaha soo socda Halkaan ka ka daawo 

Xubnaha guddiga xalinta khilafaadka oo intooda badan lagu saleeyo Afartii gobol ee  iyo degmada Buhoodle oo bud-dhigaha u ahaa dhismaha maamulka Puntland ayaa ku xigeenka iyo Madaxweynaha taariikh ahaan wadatashi ka sameeyaan xubnaha labada xubnood ee matalaya gobolka Sool iyo Buhoodle.

Gobolka Sool iyo degmada buhoodle ayaa waxaa barlamanka Puntland kaga jira xubnaha ugu badan kuwaas codkooda inta badan ku loolamaan musharaxiinta u tartamaya xilka ugu sareeya maamulkaan.

Musharxiinta xilka Madaxweynaha Puntland oo aan weli ku soo wada ururin magaalo madaxda maamulkaan ee Garowe ayaa weli wax qoraal ay u wada-dhan yihiin kasoo saarin magacaabista guddigaan.

GAROWE ONLINE 

Related Articles

Shirweynaha 5-aad ee Golaha Guud ee Ururka Warbaahinta Puntland oo ka furmay Garowe

Madaxwayne ku xigeenka Puntland Ilyaas Cusmaan Lugotoor ayaa daahfuray Shirweynaha oo ay ka qeybgalayaan dhinacyo kala duwan.

  • Puntland

    21-04-2024

  • 11:46AM

Dowladda Puntland oo dardargelisay la macaamilka Beesha Caalamka

Kulanka ayaa looga hadlay mashaariicda horumarin iyo Kuwa bani’aadantinimo ee ay Puntland ka taageeraan iyo Sidii loo xoojin lah wadashaqeynta.

  • Puntland

    18-04-2024

  • 12:52PM