Puntland oo khubaro u direysa qiimeynta khasaaraha dhul-gariirka

Image

GAROWE, Puntland – Wasaarada Kalluumeysiga iyo Kheyraadka Badda ee dowladda Puntland ayaa markii ugu horeysay ka hadashay dhul-gariirka Axadii laga dareemay bariga fog ee maamulkan.

Sidda ay sheegeen xeel-dheereyaasha dhul-ruxanka ee Mareykanka, waxaa musiibadaasi rabaaniga ah ay ka dhacday gunta badda ku beegan degaanka Bereeda ee oo dhaca gacanka Cadmeed.

Faarax Maxamuud Cawash, wasiirka wasaaradaasi, ayaa shaaca ka qaadey in ay qorsheynayaan in ay diraan khuburo ka socda Wasaaradda oo qiimeyn kusoo saameyn doona khasaaraha dhacdadaasi.

Cawash ayaa ku nuux-nuux saday in ay jirto cabsi ku aadan in degaano kale uu sameeyo dhul-gariir balse wasaarada ayuu xusay in ay shacabka uga digeyso arrintaasi.

Dadka degaanka ayaa waxay qireen in ay dareemeen dhul-gariirka, wallow ay ka gaabsadeen in ay kasoo horudhacaan waxyeelada naf iyo maalka ah ee ka dhashay.

Baqdinta taagan balse aanan weli la xaqiijin ayaa ah in ay jiraan doonyo kalluumeysi oo xiliga uu dhul-gariirku dhacay oo ahayd fiidkii ay ku maqnaayeen jilaabasho.

Dhul-gariirku oo cabirkiisu ahaa 5.0 ayaa la sheegay in ay 171 KM ay dhanka Waqooyi-Galbeed uga beegan tahay magaaladda xeebta leh, taasi oo Garowe u jirta qiyaastii in ka badan 1555 KM.

GAROWE ONLINE

Related Articles

Shirweynaha 5-aad ee Golaha Guud ee Ururka Warbaahinta Puntland oo ka furmay Garowe

Madaxwayne ku xigeenka Puntland Ilyaas Cusmaan Lugotoor ayaa daahfuray Shirweynaha oo ay ka qeybgalayaan dhinacyo kala duwan.

  • Puntland

    21-04-2024

  • 11:46AM

Dowladda Puntland oo dardargelisay la macaamilka Beesha Caalamka

Kulanka ayaa looga hadlay mashaariicda horumarin iyo Kuwa bani’aadantinimo ee ay Puntland ka taageeraan iyo Sidii loo xoojin lah wadashaqeynta.

  • Puntland

    18-04-2024

  • 12:52PM