Kornel Afdalow “Taliye Ereg Madaxtooyada dhexdeeda ayuu igu handaday”

Image

GALKACYO, Puntland- Taliyaha Qeybta Booliska Gobolka Mudug Kornel Cismaan Xasan Cawke (Afdalow) ayaa si kulul uga hadlay shaqo joojin uu ku sameeyay Taliyaha Ciidanka Booliska Puntland Cabdirisaaq Shire Faarax(Ereg) oo uu ku eedeeyay inuu cuqdad ka qaaday shaqada uu la hayo magaalada Galkacyo.

"Shaqo joojinta la igu sameeyay ma sheegi karo waxay ku timid, balse anigoo ku jira shaqada gobolka  iyo mashaariicdii laga fulinayay muddo badana kusoo rafaaday madaxtooyadana taagan ayaa waxaa ii yimid taliyaha Booliiska oo safar ka yimid, meelna aan ku hakan kadibna Madaxtooyada dhexdeeda ayuu igu handaday," Ayuu yiri Yiri Afdalow oo la hadlayay warbaahinta Gudaha.

Isagoo sii hadlaya, wuxuu sheegay in shaqo joojintaas uu cuskaday arrimo ay kamid tahay inuusan la shaqayn ee uu si toos ah xiriir howleed ula leeyahay madaxweyne Gaas.

"Madaxweynaha ayaa si toos ah ula shaqaysaa, isaga ayaad ka amar qaadataa aniga ilama shaqaysid, shaqadii gobolka waad goosatay, hadalo noocaas oo handadaad ah ayuu iila yimid," Sidaas ayuu hadalkiisa ku daray Afdalow oo ka hadlayay shaqo joojinta lagu sameeyay.

Taliyaha qaybta booliiska gobolka Mudug oo wax laga weydiiyay inuu arrintan kala xariir hay'adaha ay khusayso maadama uu ku doodayo inaan loo marin sifo sharci ah, wuxuuuna sheegay, "Dhagax dhig ayuu waqtigaas waday Madaxweynuhu, kadibna wuu dhoofay, hadalkana Taliyuhu wuxuu iigu yiri af ahaa."

Afdalow ayaa sheegay inuu aqbalay amarka Taliye Ereg, wuxuuna xusay inuu ahaa shakhsi si daacad ah u guta waajibkiisa qaran islamarkaana uu xiriir wanaagsan la lahaa mas'uuliyiinta Mudug iyo bulshada Galkacyo.

Afdolow ayaa sannadkii hore xilka kala wareegay Taliye Cabdiwaaxid oo shaqada looga joojiyay khilaaf soo kala dhexgalay isaga iyo Ereg.

Kornel Afdalow oo xilal qaybeedyo  kasoo qaybtay gobollada Mudug, Nugal iyo Bari, ayaa booskan loo magacaabay waxyar kadib markii isaga iyo taliyihii hore Booliiska Puntland Cabdirasaaq Afgaduud gacan ka hadal ku dhexmaray magaalada Bosaso taasoo uu ku dhaawacmay Wasiirka Amniga.

Tan iyo intii uu xilka qabtay Madaxweyne Gaas, waxaa jaah wareer xooggan ka dhex taagnaa laamaha Booliiska Puntland, waxaana sidaan oo kale cabasho ah in shaqadiisa ay la wareegeen maamulka gobolka Nugal iyo hay’ado kale ka cabanaya Cabdirashiid Xijira Dhuuq oo ah taliyaha qaybta Booliiska gobolka Nugal.

Ilaa hadda arrimahan kama uusan hadlin taliye Ereg oo jagadan qabtay markii laga qaaday Af-gaduud oo xilkiisa ku waayay shaqaaqadii lagu dhaawacay Wasiirka Amniga Cabdi Xirsi.

GAROWEONLINE

Related Articles

Booliska Puntland oo lagala hadlay ka hortaaga xaalufinta deegaanka

Isku xirnaanta Wasaaradda Degaanka iyo Isbedelka Cimilada iyo Hogaanka Booliska ayaa sidoo kale looga hadlay shirkan.

  • Puntland

    27-03-2024

  • 04:28AM

Qardho: Mashruuc horseeday jarista dhir baaxad leh oo laga digay

Wasaaradda deegaanka iyo Isbedelka Cimiladda ee Puntland ayaa ku baaqdey in degdeg loo joojiyo jarista dhirtan.

  • Puntland

    26-03-2024

  • 01:41PM