​Korneyl Jimcaale "Ciddii shacabka laynaysa waxaan u arkaynaa Al Shabaab"

Image

GAROWE- Taliyaha ciidamada Kumaandoosta Puntland Cornel: Jimcaale Jaamac Takar, ayaa maanta ka hadlay xarig iyo jirdil loo gaystay haween ka mudaharaadayay sicir barar ku yimi maciishadda iyo lacagaha qalaad ee dollarku kamiyahay.

Jimcaale, wuxuu ku baaqay in arrintaasi la joojiyo, maadaama shacabku xor u yahay inay dhiibtaan afkaartooda, isagoo sheegay inay yihiin bulsho hadda kasoo kabaynaysa abaaro dalka saameeyay.

Cornelka oo la hadlay Radio Garowe, wuxuu saraakiisha iyo ciidamada falkaasi sameeyay u sheegay inay ka waantoobaan tacaddiga lagu hayo bulshada, isagoo tilmaamay hadii ay kusii socdaan inay tallaabo ka qaadi doonaan islamarkaana u arkayaan inay yihiin Al Shabaab.

"Har iyo habeen waxaan u taaganahay waa bulshada, mana ogolin in dhibaato loo gaysto, dadku waa xor wayna ka caban karaan wixii dhibaya, maaha in la jirdilo lana xir-xiro... Askarta waxaa samaynaysa iyo cidday ka amar qaadanayaan waxaana ugu baaqayaa inay kawaantoobaan....Hadii arrintaasi joojin waayaan waxaana u arkayaa Al Shabaab waana la dagallamaynaa shacabkana waan ka difaacaynaa,"Ayuu yiri Taliyaha ciidamda Kumaandoosta Puntland Cornel Jimcale oo sheegay inuusan joogin Garowe marka dhibaatadaasi dhacaysay.

Wuxuu intaasi raaciyay inuu la xiriiray gudoomiyaha gobolka Nugal iyo taliyaha qaybta balse taleefoonadoodu dansanaayeen isagoo ugu baaqay inay joojiyaan amarrada qaldan ee ay bixinayaan.

Hadalkan ayaa kusoo beegmay xilli la xir-xiray islamarkaana la jirdilay, maanta iyo 04 bishan haween dhigayay mudaharaad silmi ah oo looga soo horjeeday sicir bararka ku yimi maciishadda.

GAROWEONLINE

Related Articles

Booliska Puntland oo lagala hadlay ka hortaaga xaalufinta deegaanka

Isku xirnaanta Wasaaradda Degaanka iyo Isbedelka Cimilada iyo Hogaanka Booliska ayaa sidoo kale looga hadlay shirkan.

  • Puntland

    27-03-2024

  • 04:28AM

Qardho: Mashruuc horseeday jarista dhir baaxad leh oo laga digay

Wasaaradda deegaanka iyo Isbedelka Cimiladda ee Puntland ayaa ku baaqdey in degdeg loo joojiyo jarista dhirtan.

  • Puntland

    26-03-2024

  • 01:41PM