​Kulan ku saabsan ujeedka wafdiga DFS oo Garowe ka dhacay

Image

GAROWE- Shir warbaahintu dibada ka joogtay oo u dhaxeeyay wafdiga Ra'isal wasaare Sharmake iyo guddiga xukuumadda Puntland uga qayb gala shirarka ku saabsan arrimaha Federalka ayaa maanta ka dhacay xarunta madaxtooyada Puntland ee Garowe.

Kulankan ayaa diiradda lagu saaray dhagaysiga qorshayaasha ay wadaan wafdigan shalay soo gaaray xarunta Puntland, waxaana goobta lagu soo bandhigay dhawr qodob oo ay kamid ahaayeen; in xukuumadda Puntland aqbasho habraaca doorashada 2016 oo ah nidaamka wax ku qaybsiga beelaha, waxaa sidoo kale lagu muujiyay in Puntland aqalka sare loogu darayo saddex xubnood oo dheeri ah.

Qodobadan oo aan wax dood ah laga samayn shirkii maanta ayaa ku koobnaa in guddiga Puntland u matalaya wada xaajoodka ay dhuuxaan arrimaha ay wadaan wafdiga uu hogaaminayo Ra'isal waasare Sharmake, waxaana la filayaa in galinka dambe ee maanta oo Sabti ah 26 Maarso, 2016 laga doodo soo jeedinta dowladda Federalka Somalia.

Kulankan oo daba socdo shirar horey uga dhacay magaalo madaxda Puntland ayaa lagu raadinayaa xal ah; in Puntland u hogaansanto nidaamka 4.5 oo looga soo horjeestay shirar iyo kulamo ay yeesheen shacabiga iyo xukuumadda Puntland, waxaana habkaasi lagu tilmaamay mid aan waafaqsanayn dastuurka dalka Somalia.

Dhawaan madaxweynaha Puntland oo gaaray North America, wuxuu cadeeyay inaysan aqbalay nidaamkaasi oo ku tilmaamay sharci darro isagoo xusay inuusan xal u keenayn umadda Somaliyeed.

Shirarkan iyo imaanshaha Cumar Cabdirashiid ayaa lagu soo beegamay xilli dhawaan Puntland soo afmeertay dagallo lala galay kooxda Shabaab, iyadoo sidoo kale socdaan dadaallo looga hortagayo xaraadiga iyo firxadyo kooxdan katirsan kuwaasi oo u tallaaba gudaha magaalooyinka waaweyn.

Lama saadaalin karo maxsuulka shirarka socda, balse mas'uuliyiin horay usoo gaaray Puntland oo xitaa kamid ahaa wafdi kasocda QM kuwaasi oo ku hungoobay in loo hogaansamo aragtidooda.

WIXII SHIRARKAN SOCDA KASOO KORDHA GAROWE ONLINE KAL SOCDA

GAROWEONLINE

Related Articles

Dowladda Puntland oo dardargelisay la macaamilka Beesha Caalamka

Kulanka ayaa looga hadlay mashaariicda horumarin iyo Kuwa bani’aadantinimo ee ay Puntland ka taageeraan iyo Sidii loo xoojin lah wadashaqeynta.

  • Puntland

    18-04-2024

  • 12:52PM

Puntland oo qaadacdey shirka uu iclaamiyay Xasan Sheekh

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa 21-ka ilaa 22-ka bishan April u mudeeyay in uu qabsoomo shir madaxeedkan.

  • Puntland

    17-04-2024

  • 06:28AM