Kulan wadatashi oo ka socda Madaxtooyada Puntland, maxaa laga filayaa?

Image

Magalada madaxda Puntland ee Garowe ayaa waxaa ka socdey tan iyo intii uu booqashada ku yimid ergeyga gaarka ah  QM u qaabislan arrimaha Somalia Nicholas Key 16 August,2014 kulamo farabadan kuwaasoo ku wajahan xiriirka maamulka Puntland la leeyahay dowladda Federaalka ee Somalia.

Xarunta Madaxtooyada Garowe ayaa waxaa maailintii shaley 18 August,2014 ka dhacey kulan qaatey waqti dheer kaasoo u dhexeeyey xildhibaanada reer Puntland oo ka tirsan Barlamanka Federaalka ah Somalia, Madaxweynaha Puntland, ku-xigeenkiisa iyo xildhibano ka tirsan Barlamanka Punttland.

Kulankaan ayaa waxaa lagu falanqeeyey xaalada cakiran oo u dhexysa dowlada Puntland iyo dowlada Federaalka iyadoo go'aan lagu gaarey in la magcaabo guddi wax kasoo qora qodobada lagu heshiiyey kuwaasoo gaaraya 11 qodob.

Qodobadaan ayaa diirada saareya waxyaabaha dowlada Puntland ka biyo diidsan tahay iyadoo warar naga soo gaaraya kulankaan xusayaan iney ku jiraan qodobo ka hadlaya Dastuurka la badaley, qaybsiga macaawinooyinka ee Somalia, deeqaha waxbarashada, qodobka magaalo madaxda Muqdisho iyo doorashooyinka ka dhacaya Somalia 2016.

Dhinaca kale qodobka ugu muhiimsan oo looga hadley kulankaan kaasoo maalintii shaley ergeyga QM u qaabislan Somalia ku guuldareystey inuu ka raarido Madaxda dowlada Puntland ayaa ah heshiiska dhowaan lagu sixiixey magaalada Muqdisho ee maamul u sameynta gobolada Galgaduud iyo Mudug.

Xafiiska QM ee Somalia ayaa maalintii shaley shaaciyey qoraal Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Cali Gaas soo gaarsiiyeen kaasoo balanqaadyey in heshiiskaan magaalada Muqdishu lagu saxiixey dhowaan uusan aheyn mid khatar galinaya jiritaanka Puntland halkaan ka akhri .

Xukuumadii hore ee Madaxweynahii hore ee Puntland ayaa xiriirka u jartey dowlada Federaalka ah iyadoo ku eedeysay iney xadgudub balaaran u gaysteen Dastuurka Federaalka kasoo laga badaley qodobo muhiim ah.

Idaacada Radio Garowe ayaa habeenkii xaley 18 August,2014 taleefanka dadweynaha Puntland ee ku nool magaalo madaxda kuwaasoo aragtidooda ka dhiibtey go'anka la filayo in maalinta berri ah laga soo saaro sida uu ahaanayo mustaqbalka xiriirka dowlada Federaalka ee Somalia iyo Puntland.

GAROWEONLINE

Related Articles

Shirweynaha 5-aad ee Golaha Guud ee Ururka Warbaahinta Puntland oo ka furmay Garowe

Madaxwayne ku xigeenka Puntland Ilyaas Cusmaan Lugotoor ayaa daahfuray Shirweynaha oo ay ka qeybgalayaan dhinacyo kala duwan.

  • Puntland

    21-04-2024

  • 11:46AM

Dowladda Puntland oo dardargelisay la macaamilka Beesha Caalamka

Kulanka ayaa looga hadlay mashaariicda horumarin iyo Kuwa bani’aadantinimo ee ay Puntland ka taageeraan iyo Sidii loo xoojin lah wadashaqeynta.

  • Puntland

    18-04-2024

  • 12:52PM