Kulan wadatshi oo weli ka socda Madaxtoyada Puntland

Image

Wararka aanu ka helayno madaxtooyadda Puntland ee Garowe ayaa sheegaya inuu maalinkii labaad galay shir wadatashi ee ka socda madaxtooyadda,kaasoo u dhaxeeya madaxda Puntland.Xildhibaanadda Puntland ugu jira Baarlamaanka DF.

Shirkan ayaa la sheegay inuu noqonayo mid ay kasoo baxayaan go'aamo madaxda Villa Somalia ee DF looga dalbanayo wadashaqeyn iyo in raacaan nidaamka Dastuurka Federaalka ka dalbanyo qaabka loo qaybsanao deeqaha beesha caalamka siiso Somalia, deeqaha waxbarshada iyo arrimo kale oo farabadan kuwaasoo ku kooban magaalo madaxda Muqdishu.

Xildhibaan ka mid ah Barlamanka DF ee Puntland kasoo jeeda ayaa GO u sheegay in lagu wado maalinta barito ah in lasoo saaro warmurtiyeed 11 qodob ka kooban kaasoo lagu cadaynayo aragtida ay Puntland ka qabto siyasadda dowladda Xasan Shiikh Maxamuud.

Shirkan wadatashiga ah ayaa ka danbeeyay ka dib markii madaxwayne Gaas uu xiriirka u jiray 31-dii Julyl 2014 dowladda federaalka ka dib markii Muqdisho lagu saxiixay heshiis 11 qodob ka kooban oo lagu damacsan yahay in mamul loogu sameeyo Mudug iyo Galgaduud.

Xukuumada Madaxweyne Gaas ayaa xilka kala wareegtey Madaxweynihii hore ee Puntland xilli xiriirka dowlada Federaalka ah iyo Puntland go'an yahay.

GAROWEONLINE

Related Articles

Dowladda Puntland oo dardargelisay la macaamilka Beesha Caalamka

Kulanka ayaa looga hadlay mashaariicda horumarin iyo Kuwa bani’aadantinimo ee ay Puntland ka taageeraan iyo Sidii loo xoojin lah wadashaqeynta.

  • Puntland

    18-04-2024

  • 12:52PM

Puntland oo qaadacdey shirka uu iclaamiyay Xasan Sheekh

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa 21-ka ilaa 22-ka bishan April u mudeeyay in uu qabsoomo shir madaxeedkan.

  • Puntland

    17-04-2024

  • 06:28AM